Haqabtirenews.com
Falaanqeynta Kulanka Russia Vs Slovakia, Miyeey Labadaan Xul Ugu Danbeyn Iska Dhalin Doonaan Wax Ka Badan 1 Gool.
June 15, 2016 - Written by Sports Staff
">

Russia ayaa wajaheysa xulka Slovakia galabta oo arbaco ah waxayna labada xulba raadinayaan guushoodii ugu horeysay ee t Euro 2016.

Kulanka: Russia vs Slovakia

Garoonka: Stade Pierre Mauroy

Saacada Geeska Afrika: 4:00 Galabnimo.

Falaanqeynta Kulanka:

Group B ayaa noqonaya mid aad isugu dhagan iyadoo kooxdii badisa ay ka sare mari doonto xulka ingriiska oo beri ciyaara halka kooxdii guuldaro la kulantaana ay qarka u fuuleyso iney isaga baxda tartanka waliba ay lumiso boosaska kaalmaha sadexaad ee ugu wanaagsanaan doono tartanka si ay ugu soo baxaan wareega xiga.

Si kasta waxay indhaha si weyn u qaban doonaan taageerayaasha labada xul iyadoo kuwa Russia looga hanjabay in xulkooda laga sarai doono tartanka hadii ay markale qalalaase ku kacaan.

russia-slovakia

Waraka Labada Xul

Russia ayaan sameyn doonin is badalo badan oo shaxdoodii kulankii England ay barbaraha la galeen iyadoo macalin Leonid Slutsky ayaana ka war haya in guul ay caawa gaaraan ay u sahli karta iney u soo baxaan wareega xiga ee tartankaan ama cadaadis saaraan kooxaha kale ee kula jira Group ka sidoo kale waxay noqon doonaa hogaamiyeyaasha group kooda hadii ay guusha raacdo iyaga.

Weeraryahanka Zenit St Petersburg Artem Dzyuba ayaa weerarka kasii ciyaari doona laakin waxaa wax badan laga filan doonaa Aleksandr Kokorin
Dhanka Slovakia waxay filanayaan qaab ciyaareed ka fiican kii ay guuldarada kala soo kulmeen Wales inkastoo ay si wanaagsan u ciyaareen kulankaas xitaa laakin dhameystirkooda ayaa dhibanaa.

Marek Hamsik ayaana fu u noqon kara xulkiisa isagoo ka ciyaara kubad sameeyaha halka Ondrej Duda iyo Robert Mak oo qaab ciyaareed fiican muujiyay markii ay badal ku soo galeen la filayo iney ku bilowdaan shaxda xulkooda.

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Kani waa kulankii sagaalaad ee ay labada xul is wajahaan. Russia ayaa sadex jeer adkaatay, labo Slovakia halka sadex ay barbaro galeen.

Labada xul midkoodna kuma badin wax ka badan hal gool intii jeer ee ay iska hor yimaadeen waxaana wadar ahaa iska dhaliyeen kaliya todobo gool.

Waa markii ugu horeysa ee ay Russia kula ciyaarto Slovakia tartanka European Championships, inkastoo ay labo jeer ku kulmeen isreebreebka.

Slovakia ayaana 243 ee ugu danbeysay wax gool ah ka dhalin Russia kaliya hal gool ayeeyna afartii kulan ee u dnabeysay ka dhaliyeen

Sadex kamid ah afartii gool ee ugu danbeysay ee ay Russia ka dhalisay European Championships ayaa yimid 11 kii daqiiqo ee ugu danbeysay ee ciyaarta.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

Russia possible XI: Akinfeev, Smolnikov, Berezutski, Ignashevich, Schennikov, Neustadter, Golovin, Kokorin, Shatov, Smolov, Dzyuba.
Slovakia possible XI: Kozacik, Pekarik, Skrtel, Durica, Svento, Kucka, Hrosovsky, Mak, Hamsik, Weiss, Duris.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News