Haqabtirenews.com
Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Russia Oo Ugu Baaqay Jamaahiirta Xulka Ruushka Ee Euro 2016 Inay Dagaalka Sii Wadaan.
June 14, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xubin sarre oo ka mid ah xiriirka kubada cagta Ruushka ahna xildhibaan ka tirsan barlamaanka Ruushka Igor Lebedev ayaa ku amaanay jaamahiirta wadankiisa ee dagaalka ka geystay magaalada Marseille sabtidii isagoo ugu baaqay inay halkaas ka sii wadaan.

Lebedev oo sidoo kale ah gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Ruushka ayaa ku eedeeyay dagaalka dhacay ka hor kulankii Ruushka iyo England ee Euro 2016 boliiska Faransiiska & jamaahiirta xulka Ingariiska.

Waxa uu bogiisa soo dhigay qoraalo xiriir ah, iyadoo Lebedev uu yiri: “Wax dhibaato ah uma arko taageerayaal dagaalamay. Taas bedelkeeda waxaan leeyahay shaqo fiican ayaad qabateen wiilasheena – halkaas ka sii wada.

igorlebedev-cropped_xmv3bpvf4ckb1lflitwf31gac

 

“Wixii ka dhacay Marseille iyo magaalooyinka kale ee Faransiiska eedeeda ma lahan jamaahiirta. Qaladka waxaa iska leh boliiska iyo sida awood ugu lahaan waayeen inay qaban qaabiyaan tartan sidaan oo kale ah.

“Waan fahmi weysanahay dhamaan siyaasiyiintaan wax ka sheegaya taageerayaasheena. Waa inaan ilaalino taageerayaasheena, inoo soo celiya islamarkaana fahma.

england-russia-fans-euro-2016_18w7a8ca2chbn12aj8d6s95a5i

“Waxaan u baahanahay inaan fahano in 10 meelood 9 meel in taageerayaasha ciyaar kubadeed inay dagaalamaan, waana wax iska caadi ah.

“Wiilasheena waxa ay difaaceen sharafta wadankeena, mana aysan ogolaanin in Ingariiska uu sina u aflagaadeeyo wadankeena hooyo. Taageerayaasheena waxa ay u qalmaan in la cafiyo oo la fahmo.”

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News