Haqabtirenews.com
Falanqeynta Kulanka Austria VS Hungary, Labada Xul Oo 30 Sano Kadib Isaga Hor Imaanaya Tartan Weyn.
June 14, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kulanka: Austria VS Hungary

Saacada Geeska afrika: 7:00 fiidnimo

Garoonka: Matmut Atlantique

Garsooraha: Clement Turpin

Falanqeynta Kulankan

Austria ayaa lala xiriirinaayey in ay wacadaro lasoo baxdo tartanka Euro 2016 ka dib markii ololihii  isreebreebka ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ahaa. waana mid ka mid ah afarta kooxood ee aan laga badinin.

qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ayaa geeyay kaalinta 10aad ee qiimeynta adduunka xulalka ugu fiican xulka qaranka Austria.

Hungary ayaa sidoo kale  gaareen  koobka qaramada Yurub markii ugu horeysay tan iyo sanadii 1972, Si kastaba ha ahaatee xulka Austria  ayaa fursan fiican u haysta inuu kaga soo baxo Group F.

Wararka labada xul

Daafaca xulka Austria ee ku dhashay Hungari ciyaartoyga la yiraahdo György Garics ayaa go’aansaday inuu kasii mid ahaado xulka inkastoo uu dhintay aabbihiis jimcihii la soo dhaafay.

Tababare Marcel Koller ayaa la filayaa inuu ku soo shirtagi doono  dooqa koowaad ee kooxda lasoo baxday wacdaraha.

Goolhayaha Hungary ee Gabor Kiraly ayaa la filayaa inuu noqdo ciyaaryahanka ugu da’da weyn ee kasoo muuqdo  European Championship isagoo jira 40 sano iyo 75 maalmood.

weeraryahanka Krisztian Nemeth ayaa laga muujinayaa shaki yar  sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

hungary-vs-austria-h2h-live-stream-june14

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Austria ayaa kaga adkaatay 5-0 xulka Hungary markii  ugu horeysay tartan rasmi ah oo caalami sanadii 1902.

Hungary ayaa la ciyaaray 137 kulan Austria (66guul, 31barbaro, 40guuldaro).

Kulankoodii ugu horeyay  ee tartan weyn waxa ay ahayd  koobka adduunka ee 1934, markaas oo 2-1 ku badisay xulka Austria  wareega quarter-finalka.

Markii ugu danbeysay ee Hungary gaareen tartan weyn waxay aheyd koobkii adduunka ee 1986, oo ay kaga adkaadeen Austria  isreebreebka, guushii 3-1 aheyd oo ka dhacday magaalada Budapest lugtii hore iyagoo is aragii danbe hadana ku soo garaacay magaalada Vienna ciyaar kusoo gabagabowday 3-0 . kulankaasi  waa markii ugu danbeysay ee ay ku  kulmaan tartan weyn.

Hungary ayaa ku badisay 2-1  kulankii ugu dambeeyey ciyaar saaxiibtinimo, bishii August 2006.

Austria

Tani waa markii ugu horeysay ee Austria ay  usoo baxday fEuropean Championship. Waxay qeyb ka ahaayeen marti galintii dhacdadii 2008.

Waxa lagu soo reebay wareega group-yada  seddexii tartan ee ugu danbeysay oo weynaa  (World Cup 1990, World Cup 1998, Euro 2008).

Christian Fuchs, Florian Klein iyo Robert Almer ayaa ciyaaray daqiiqad kasta isreebreebkii.
Fuchs ayaa sameeyay  jilaafada ugu badan  Austria  isreebreebka (31), kaas oo sidoo kale ahaa qofka afaraad ee ugu sareeya guud wadarta .

Marcel Koller ayaa ka qayb qaadanaya tartan  weyn markii ugu horeysay, isagoo tababare ah. Waxa uu u ciyaaray laba kulan xulka Switzerland  Euro 1996 (barbaro England iyo guuldarro ka dhanka ah Scotland).

Hungary

Tani waa markii saddexaad ee  Hungary kasoo muuqdaan European Championship iyo markii ugu horeysay tan iyo sanadii 1972.

Hungary ayaa badisay kaliya taariikhda koobka qaramada Yurub bishii June ee sanadii 1964 kulan ka dhanka ahaa Denmark . iyagoo laga badiyay seddexdii kulan ee kale.

Balazs Dzsudzsak ayaa abuuray 24 fursadood,  Hungary inta lagu jiray isreebreebka, 16 waxa uu  ka badan yahay ciyaaryahan kasta oo  Hungarian ah.

Toban ciyaaryahan ayaa wadaago 13 gool isreebreebka  xulka Hungary, oo keliya Tamas Priskin, Krisztian Nemeth iyo Daniel Bode ayaa dhaliyay in ka badan hal mar.

Tamas Khadar ayaa sameeyey 426 baas intii lagu jiray isreebreebka, waana in ka badan ciyaaryahan kale oo Hungarian ah.

Line-upka macquulka ah

Austria: Almer; Klein, Dragovic, Prödl, Fuchs; Alaba, Baumgartlinger; Harnik, Junuzović, Arnautovic; Janko.

Hungary: Király; Fiola, Guzmics, Lang, Khadar; Gera, Nagy; Dzsudzsak, Kleinheisler, Németh; Szalai.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News