Haqabtirenews.com
Da’ Yarka Chelsea Christensen Oo Saxiixa Cusub Ee Arsenal Granit Xhaka Ku Garaacay Abaalmarinta Xiddiga Sannadka Gladbach.
June 14, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xiddiga amaahda ugu maqan Chelsea Christensen ayaa ku garaacay saxiixa ee Arsenal Granit Xhaka abaalmarinta xiddiga sannadka Borussia Monchengladbach.

20 jirkaan ayaa sannad kale amaah ku joogaya kooxda iyadoo aragtida ay tahay inuu ku soo laabto kooxda koowaad ee Chelsea laakiin Gladbach ayaa xiiseyneysa inay heshiiska amaahda u bedesho mid joogta ah.

Gladbach ayaa u soo baxday Champions League xilli ciyaareedka danbe, waxaana xiddigaha ka soo baxay akadeemiga Chelsea uu siiyay kooxda iska leh milkiyadiisa fursad ay ugu maadeystaan jamaahiirta Gunners.

andreas-christensen_1qxqw9onlc26z1f2lhgjmjwvt0

Christensen ayaa kaliya hal kulan u ciyaaray Chelsea kulan ay 2-1 kaga badiyeen Shrewsbury Town, laakiin waxa uu gurtay miraha heshiiskiisa amaahda isagoo ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka kooxda Gladbach isagoo helay codadka boqolkiiba 51 halka Granit Xhaka uu helay 15 boqolkiiba.

Dhow bogag oo taageerayaal u ah Chelsea oo Twitterka ka dhisan ayaa ugu baaqayay jamaahiirtooda inay ka qeyb qaataan codbixinta si uu abaalmarinta uga qaado Xhaka, laakiin Christensen ayaa sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta uu bixiyo wargeyska maxaliga ah ee Reinische Post iyadoo aysan taageere ka qeyb qaadanin.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News