Haqabtirenews.com
Yaya Toure Oo Heshiis La Gaaray Koox Chinese Kahor Inta Uusan Si Amaah ah Ugu Dhaqaaqin Inter Milan.
June 13, 2016 - Written by Sports Staff
">

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester City Yaya Toure ayaa laga yaabaa in xilli ciyaareedka dambe uu u ciyaaro Inter Milan, inkastoo diiwaangalintiisa ay leedahay koox shiinees ah, sida wararku ay sheegayaan.

Inter iyo Jiangsu Suning labaduba waxaa ay leeyihiin ganacsiga Suning Commerce Group, taas oo aan ogolaan karin in Nerazzurri ay hesho adeegyadda 33-sano-jirkaasi, waxaana lagu qasbanaan doonaa in ay u hogaansamaan sharciyadda adag ee Financial Fair Play.

Wargeys-ka Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in uu aad u adagyahay sharciga UEFA, maadama labada koox ay kala gadisan yihiin.

Hadii Toure  uu u dhaqaaqo Stadio Giuseppe Meazza ayaa waxaa ay ka dhigi doontaa in markale ay midoobaan tababarihiisii hore ee Man City Roberto Mancini.

tou

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News