Haqabtirenews.com
Waalida Manchester ! Magaalada Dhacda Galbeedka England Oo Isku Badaleysa Caasimada Kubada Cagta Aduunka Kadib Imaatinka Pep Iyo Jose.
June 13, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kadib imaatinka Pep Guardiola iyo Jose Mourinho, Manchester ayaa haatan isku badali karta caasimada kubada cagta, labada macalin ayaa xifaaltankoodii La Liga u soo wareejinaya Manchester Derby.

Manchester United ayaa awoodi weysay iney ka kabsato ciyaaro ka fariisigii Sir Alex Ferguson, iyado David Moyes iyo Louis Van Gaal ay ku guuldareysteen iney kooxda dhaqaajiyaan.

Dhanka kale, Manchester City waxa ugu danbeysay guul Premier League xili ciyaareedkii 2013/14, intaa kadib Manuel Pellegrini ayaa ku hogaamiyay League Cup , iyo afar dhamaadka Champions League iyo kaalinta afaraad ee horyaalka.

Mourinho Vs Pep

Waqtigii ay waayo cusub bilaabi lahaayeen ayaa la gaaray.

Qeybta casaanka ah ee magaalada Manchester ayaa aheyd kooxda guulaha badan, taas ayaana ka dhigtay kooxda United mid kamid ah kooxaha ugu qanisan aduunka, taarikhna hanad ayeey ka yihin.

Sanadii 1958, Musiibadii diyaaradii Munich ayaa sababtay iney dhintaan 23 oo kooxda koowaad ee United waxyana ku qaadatay 10 sano iney dib u soo dhismaan, United ayaa markii ugu horeysay ku guuleysatay  Championship sanadii 1968.

jose-mourinho-pep-guardiola_3475867

Dhanka kale, Manchester City waxaa iibsaday Sheikh Mansour, mid kamid ah boqortooyada Abu Dabi, natiijada ayaana u aheyd mid fiican kooxda sky blues.

Ka hor waayahooda cusub, Manchester City ayaa gaartay guulo lagu raaxeysto sanadihii lixdamaadkii, labo koob oo gudaha ah ayeey hanteen UEFA Cup Winners cup aayeey hanteen 1969/70.

Pep Guardiola ayaa sadex sano soo joogay kooxda heysata Bundesliga ee Bayern Munich, laakin wuu ku fashilmay inuu Champions League keeno Allianz Arena, wuxuuna 45 jirkaan raadinayaa guulo uu ku gaaro koox aan aheyn Barcelona.

United ayaana Iyana halis ka aheyn Champions League ama Premier League kadib waayihii Sir Alex laakin haatan waxay taasi u taalaa Jose Mourinho oo kamid ahaa cadowyadii ugu waa weynaa ee United inuu soo celiyo nasiibkoodii.

Labada Manchester oo wata labo macalin oo cusub ayaa wada bilaabay waayo cusub, waxaana hubaal ah in saxaafada ay ku jeesan doonto xifaaltanka   Guardiola iyo Mourinho.

Old Trafford iyo Etihad Stadium ayaa isku jira kaliya shan maayl, dhamaan indhaha mucaashqiinta kubada cagta ayaana ku sii jeedi doona magaalada Manchester xili ciyaareedka danbe.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News