Haqabtirenews.com
Macalinkii Sadexda Europe League U Qaaday Seville Ee Unai Emery Oo Isaga Tagay Shaqada Kooxdaasi Iyo Badalkiisa Oo La Ogaaday.
June 13, 2016 - Written by Sports Staff
">

Unai Emery ayaa isaga tagay shaqada macalinimo ee kooxda Sevilla, kooxda heysata Europa League ayaa haatan u jeesatay soo xerogelinta Jorge Sampaoli si uu u noqdo maclainkooda cusub, Marca ayaa ogaatay.

Emery ayaa la sheegay inuu codsaday in la masaxo qanadaraaskiisa Sevilla, kadib markii uu ku hogaamiyay kooxda Andalusian sadex Europa League oo xiriir ah.

Jorge Sampaoli ayaana waligiis maamulin koox yurub ah laakin maclainkana 56 jirka ah ayaa ka tagay shaqada xulkii uu u qaaday Copa America ee Chile. Inuu qabto shaqada Sevilla waxay noqon doontaa shaqo kooxeedii ugu horeysay ee Sampaolitan iyo sanadii  2012.

Emery

Unai ayaa la sheegayaa inuu wada hadalo kula jiro kooxda PSG isagoona qarka u saran in loo magacaabo macalinka shaqada ka badalaya ninka haatan haya ee Laurent Blanc oo la sheegayo in la ceyrin doono.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News