Haqabtirenews.com
Juventus Oo Ku Garaacday Chelsea Saxiixa Miralem Pjanic Islamarkaana Tijaabada Caafimaad Umaraya Isniinta Ama Talaadada.
June 13, 2016 - Written by Sports Staff
">

Rajadii naadiga Chelsea ee ku aadanayd saxiixa Miralem Pjanic ayaa daadka la raacsiiyey ka dib markii uu tilmaamay ciyaaryahanka in uu  doonaayo inuu ku biiro kooxda haysata horyaalka talyaaniga ee Juventus.

Blues ayaa la sheegay in ay kalsooni ku qabtay soo  xerogelinta  kubadsameeyaha reer Bosnian islamarkaana ay keento Stamford Bridge oo waxay u qorshaysay isbuucii in uu qaato lacag gaaraysa £ 65,000, ayna ka saxiixato saddex sano oo heshiis.GettyImages-509378228.0

GettyImages-509378228.0Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia , Pjanic ayaa U dhaqaaqaayo  labo maalmood kadib marwada duqda iyadoo Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bosnian uu maraayo tijaabada caafimaad  naadiga Juventus  Isniinta ama Talaadada.

Pjanic

sida uu qorshaha yahay kooxda ayaa ku dhawaaqaysa wax yar ka dib  Marka uu maro tijaabada caafimaad si rasmi ah hishiiskiisa, Pjanic ayaa naadiga Lyon uga soo  biiray Roma sanadkii 2011.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News