Haqabtirenews.com
Germany 2-0 Ukraine: World Champions Oo Guul Ku Bilowday Euro 2016 Ka Dib Goolal Ay U Dhaliyeen Mustafi Iyo Schweinsteiger.
June 13, 2016 - Written by Sports Staff
">

Gool uu dhaliyay Musafi oo uu ku noqday xiddigii ugu horeeyay ee Muslim ah ee shabaqa soo taabta Euro 2016 iyo gool uu waqtigii dhimashada ciyaarta dhaliyay Schwiensteiger oo muddo kooban garoonka ku jiray ayaa xulka Jarmalka ka saaciday inay ka gudbaan xulka Ukraine iyagoo 2-0 ugaga badiyay, iyadoo ciyaar xiiso iyo xamaasad leh oo fursado badan la iska helay ay labada kooxood ku dhexmartay magaalada Lille.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dardar leh iyadoo fursadii ugu horeysay ee ciyaarta ay heshay xulka Ukraine, iyadoo kubad uu Konoplyanka uu ku helay xerada ganaaxa Jarmalka, waxaana uu darbo ku tuuray goolka laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhaye Manuel Neuer.

DAQIIQADII 19aad GOOOL!!!! Jarmalka ayaase hogaanka u qabtay ciyaarta markii laad xor ah oo loo dhigay uu soo qaaday Toni Kroos waxaana madaxa ku dhaliyay Mustafi, kaasoo noqday xiddigii ugu horeeyay ee Muslim ah ee shabaqa soo tartanka Euro 2016

CkxirumWEAAYYxVCkxirxdWkAAYpuFCkxiryoWsAAQevhCkxirlqXAAAkgPb

Mustafi ayay sidoo kale u aheyd goolkiisii ugu horeysay ee uu u dhaliyo xulka Jarmalka dib 11 kulan uu u saftay xulka heysta Koobka Adduunka.

Daqiiqadii 27aad Ukraine oo kubada la qeybsaneysay Jarmalka ayaa fursad fician heshay markii karoos la soo qaaday uu madaxa la helay Kacheridi, laakiin waxaa si fantastik ah kaga bixiyay kubada Manuel Neuer kaaso fal celin degdeg ah sameeyay xilli fursadaas gool loo fishay.

Seddex daqiiqo ka dib waxaa u jawaabay goolhayaha dhigiisa Ukraine ee Pyatov kaasoo fursad dahabi ah ka beeniyay Sami Khedira, xiddiga khadka dhexe ee Juventus ayaa waxaa kubad u soo qaaday Toni Kroos, waxaana goolka ka xigay kaliya goolhayaha kaasoo ka badbaadiyay kubada ka hor inta uusan daafac Ukraine ah sii bixinin kubada.

CkxliM5WkAIrPmQ

DAQIIQADII 37aad BADBAADINTII UGU FIICNEYD? Boateng ayaa xariiqda goosha ka celiyay darbo uu soo tuuray Konoplyanka xilli loo maleynayay inay kubada dhaaftay xariiqda goosha, laakiin tartankaan waxaa loo adeegsanayaa teknooloojiyada xariiqda goosha waxaana ay muujisay inaysan kubada dhaafin xariiqda goolka. Yarmelonko ayaa baas qurxoon u dhigay Konoplyanka kaasoo hal mar taabtay kubad ka hor inta uusan darbo dabamarinin Neuer laakiin Baoteng oo goolka ku sii dhex dhacaya ayaa lugtiisa dheer ku soo bixiyay.

Alla maxay ciyaarta aheyd mid madadaalo leh weliba tiis ugu fiicneyd ilaa iyo haatan tartankaan Euro 2016, xulka Ukraine ayaa labo daqiiqo ka dib fursadaas waxa ay soo taabteen shabaqa xulka Jarmalka laakiin Fedetskiy ayaa garab dhaaf ahaa markii kubada la soo dhisayay.

 

Ukraine ayaana neefta ku celisay xulka koobka adduunka heysta qeybihii ugu danbeeyay ee qeybta hore ee ciyaarta iyagoo si weyn u raadinayay goolka barbaraha waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay Jarmalku ku hogaaminayeen ciyaarta.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa iyadana si xamaasad leh ku bilaabatay iyadoo daqiiqadii 52aad darbo uu meel fog ka soo tuuray Toni Karoos ay ku dhacday birta ka hor inta aysan kubada banaanka u bixin iyadoo xiddiga khadka dhexe ee Jarmalka uu mar kale isku dayay inuu darbo xoogan ku tijaabiyo goolhayaha Ukraine daqiiqadii 55aad.

BhAfrWdsRGWbE8g6M0fQ_Low

Labo daqiiqo ka dib Ukraine ayaa laad xor ah loo dhigay meel 30 yard u jirta goolka, Rakitskiy ayaana darbo xoogan oo hoose ku tuuray goolka Germany laakiin waxaa si fantastik ah u bixiyay goolhaye Manuel Neuer oo caawa shaqo badan qabtay.

Daqiiqadii 68aad Germay ayaa fursad kale heshay ka dib markii Howedes uu karoos fiican ka soo dhigay garabka midig iyadoo Draxler uu madax ku qabtay laakiin dadaalkiisa waxa ay noqotay inuu birta kore garaaco oo ay kubada banaanka u baxo.

Ukraine-v-Germany-Euro-2016-Group-C

Goolhayaha Ukraine oo isna mashquul ahaa ayaa daqiiqadii 76aad fursad fiican ka badbaadiyay Muller kaasoo kubad ka helay Mario Gotze. Daqiiqadii 87aad Kroos ayaa kubad u dhex bixiyay Ozil kaasoo fursad u heystay inuu kubada dhaafiyo goolhayaha Ukraine laakiin darbadiisa waa laga badbaadiyay.

Kubad rogaalcelis ah ayay durbadiiba Ukraine sameeyeen kubad la soo qaaday ayuu Mustafi damcay inuu madax ugu baaso Neuer laakiin goolhayaha Jarmalka waa uu ka soo baxay waqtigaas goolkiisa, nasiib wanaagooda kubada shabaqa ma aysan gelin.

DAQIIQADII 90+2 GOOOL!!! Waqtigii dhimashada ciyaarta ayaa Mustafi uu garabka bidix kubad ugu dhigay Mesut Ozil oo kubad rogaal celis fiican sameeyay, waxa uu soo dhigay karoos uu shabaqa ku taabtay Bastian Schweinsteiger oo markii uu bedel ku soo galay.

Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Jarmalku ku badiyeen iyagoo haatan hogaanka Group C la wareegay inkastoo ay seddex dhibcood la wadaagaan xulka Poland kuwaasoo guul 1-0 ka gaaray mar sii horeysay maanta xulka Northern Ireland, Halkaan haqabtirenewstv.net ka daawo goolashaas Jarmalka ku badiyeen 

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News