Haqabtirenews.com
Daawo: Brazil Oo Macsalaamesay Tartanka Coppa America , Peru Ayaa Ku Reebtay Gool Gacanta Si Cajiib Ah Looga Dhaliyay.
June 13, 2016 - Written by Sports Staff
">

br-2Qaranka Brazil ayaa macsalaameeyay tartanka Copa America ka dib guul darro hal gool aheyd oo ay kala kulmeen qaranka Peru

Kulankaas ayaa ahaa kulanki ugu dambeeyay ee wareegga 3-aad ee Group-ka labaad

Goolkaas ayaa laga dhaliyay Brazil daqiiqaddii 75-aad waxaana ka dhaliyay Raul Rudiiaz

Goolkaas ayay Brazil dood ka keeneen taasi oo keentay in ciyaarta la joojiyo sedex daqiiqo balse ugu dambeyn waa la ansaxiyay , waxa ayna ka qaylinayeen laacibka dhaliyay in  kubadda uu gacanta ku taabtay balse garsooraha uusan arag, Halkaan haqabtirenewstv.net ka daaow goolkaas la yaabka leh 

Dhanka kale Ecuador ayaa afar gool uga talaabsatay dhiggooda Haiti

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News