Haqabtirenews.com
Arda Turan Oo Raaligelin Ka Bixiyay Qaab Ciyaareedkiisii Liitay Ee Maanta Ka Dib Guuldaradii Turkiga.
June 13, 2016 - Written by Sports Staff
">

Arda Turan ayaa raaligelin ka bixiyay qaab ciyaareedkiisii maanta ee kulankii xulka Turkiga ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay xulka Croatia ee tartanka Euro 2016.

Gool qurxoon uu dhaliyay Luka Modric ayay ku kala baxeen labada xul ee kawada tirsan Group D ee ku kulmay garoonka Parc des Princes maanta iyadoo Croatia ay seddexda dhibcood qaadatay ka hor kulamada Czech Republic iyo Spain.

Turan ayaa awoodi wayay inuu Turkiga kubad weerar ah ku hogaamiyo iyadoo xiddiga Barcelona la bedelay daqiiqadii 65aad.

352DF1EA00000578-0-image-a-45_1465740186668

“Marka ugu horeysa waa inaan raaligelin bixiyo sababtoo ah qaab ciyaareedkeyga wa auu liitay maanta. Waxaan u ciyaaray si xun” ayuu Arda Turan u sheegay TRT.

“Asxaabteyda xulka waxa ay bixiyeen dadaalkooda ugu badan. Croatia waa koox fiican. Barbaro waan la geli karnay laakiin ma aysan dhicin. Waxaan sameyn doonaa howsheena ugu fiican.

“Tartanka weli ma uusan soo dhamaanin. Laakiin waa inaan isku duubni muujino ka dib guuldaradaan. Waxaan rajeynayaa inaan sidaan si ka fiican u ciyaarno kulanka Spain. Isma dhiibi doono. Waxaan ku jirnaa group adag.”

Qorre: maxamed jeesto

 

COMMENTS
Latest News