Haqabtirenews.com
“Waxaan ciyaaraha ka fariisanayaa marka uu ka fariisto Gianluigi Buffon.”.
June 12, 2016 - Written by Sports Staff
">

Goolhayaha xulka Spain Iker Casillas ayaa sheegay inuusan ka fariisan doonin ciyaaraha inta uu garoomada ku jiro Gianluigi Buffon.

38-jirka shabaqa u ilaaliya Juventus ayaa u sii ciyaari karaya kooxda reer Talyaani waxa ka dambeeya da’diisa 40-tameeyada.

Casillas oo isagu saddex sano ka yar Buffon ayaa heysta dookh inuu heshiiska sii kordhiyo ilaa 2018 mana lahan wax qorshe ah uu kaga fariisanayo ciyaaraha ka hor inta uusan Buffon kabaha isaga laalin.

“Marka uu ciyaaraha ka fariisto anna waan ka fariisanayaa,” Casillas oo ku guuleystay labo jeer Euro iyo waliba koobka adduunka ayaa sidaa u sheegay La Gazzetta dello Sport.

 

“Iminka ayuu saxiixay heshiis cusub wayna I faraxad galineysaa midaa maxaa yeelay waxay midaa ka walax tahay anna inaan qandaraaska kordhinayo.

“Marka aan joojino ciyaaraha waxaan habeyn doonaa kulan fiican oo u dhexeeya saaxiibadeyda iyo saaxiibadiisa.”.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News