Haqabtirenews.com
War Deg Deg Ah Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Oo Gudo-galay Dhageysiga Dacwadii Dhinacyada Xisbiga UCID Isku Haya.
June 12, 2016 - Written by admin
">

Guddida diiwaan-gelinta ururada siyaasadda Somaliland, ayaa manta billaabay dhageysiga dacwad muddooyinkii  dambe u dhaxeysay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa madaxweyne ee xisbigaasi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo salka ku haysay muran ka taagnaa murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen oo uu dedafeeyey guddoomiyaha xisbigaasi.

Dhageysig dacwadan oo hadda uun ka billaabmatay xafiiska diiwaan-gelinta urarada siyaasadda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeyb-galay dhinacyada ay u dhaxeyso dacwadu iyo weliba sida oo kale hoggaamiyeyaal ka socda xisbiyada siyaasadda, sharci yaqaano, xildhibbaano, saxaafadda Somaliland iyo xubno kale oo lagu soo sharfay dhageysiga dacwaddaasi.

Illaa hada ma cadda sida ay u dhici doonto garnaqista dacwaddaasi oo hadda loo fadhiyo, balse waxa Warbaahinta Heegan News ay si deg dag ah idiin ku soo gudbin doontaa qaabka u dhacdo dacwada labada dhinac ee xisbiga UCID.

1000

COMMENTS
Latest News