Haqabtirenews.com
Talo Ayaa Inoo Taalla Dadka Xadka Ka Shisheeya. WQ- Mustafe Mire
June 12, 2016 - Written by Aragtida Bulshada
">

Way laayeen dhammaanba dadkii yagoon wax cabsi ah qabin, markasay haddana u sheegeen dadku inaanay maydadkooda aasan karin, waxay intaa kusii dareen inay yidhaahdaan lacagta cashuurta ee xabaalaha dadka bixiya yaab.
intaasiba way ku dhacday dadkaa yagoo nool, oo waliba ku nool deegaankii ay ku dhasheen, ku koreen, kuna barbaareen. sidan may filayn laakiin way ku dhacday, haddana majirto cid u hadashay, cid u hiilisay, cid u hadli doonta, iyo waliba cid u maqan oo ka murugaysan………marka laga tago Allihii abuurtay oo isagu cid kasta ka awood badan.


way iska cadahay sababta loo laynayaa waayo majiro danbi ay galeen iyo wax lagu soo eedeeyay laakiin malaha ur kale oo aan tii ciidanka ahayn ayaa yaga kasoo urtay.


waxay talo u taalaa dadka dega deegaanka meelkasta oo ay joogaanba, waxba yaanay ka sugin dawlad, dad meel kale ku maqan iyo sheekooyinkaa, waa inay tashadaan oo halka xalku ugu jiro ay abbaaraan, oo aanay ka seexan danaha yaga u gaarka ah.

waa xaqiiq iska cad waa inay doontaan xaqooda, si kasta oo ay yaga ugu muuqataba haday dagaal noqoto, haday ina ethiopia si cad loogu tago noqoto, haday jabhadayn noqoto si kastaba ha ahaatee maanta talo idinka ayay idinka go’odaa.


yaraw ama waynaw wax hayso ama ha haysan waa inaan ka fakarnaa sidii aan dadkeenna ciyaar ciyaar loogu layn lahayn.
waxa dadka laayay indhoole lagu yidhi sidaa samee, laakiin inagu waa inaan mid indho leh rabaysannaa oo aan ummadeenna ku kibrayn.


talasaarashada Ilaahayna waa lagama maarmaan, laakiin talo inagay inoo taalaa.

COMMENTS
Latest News