Haqabtirenews.com
Tababarha Xulka Qaranka Wales Oo Digniin Hawada U Mariyay Xulka Qaranka England Tollow Muxuu Ku Yidhi.
June 12, 2016 - Written by Sports Staff
">

Tababaraha xulka qarnak Wales  ee Chris Coleman ayaa sheegay in xulka Wales wax cabsi ah qabin Euro 2016 kadib markii ay guul taariikhi ah ka gaadhay xulka qaranka Slovakia furitaankii Groupka B.

Gool soo daahay oo uu dhaliyay Hal Robson-Kanu ayaa u xaqiijiyay in ay 2-1 kaga badisay ciyartii ugu horeysa ee ay xulkani ka qayb galaan tartan wey tan iyo koobkii addunka ee 1958.

Kadib markii xulka England lagu qabtay barbar dhac 1-1 ah oo ay la galeen xulka qaranka Russia, xulka qaranka Wales ayaa haysata fursad dahabi ah si au gaaraan wareega dambe.

“xulka wales cidna kama cabsi qabto waxa aan ku kalsoonahay naftayda waxa aan u ciyaari doonaa ciyaar kasta sidii aan ciyaarayno ciyaarta kama dambaysta Euro 2016″ayuu yiri tababaraha Wales Coleman.

“waxa ay ahayd wax aan la aamini karin waxa aan ku faraxsanahay taageerayaasheena” waxa aan tan sugaynay muddo dheer.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News