Haqabtirenews.com
Falanqeynta Kulanka Germany vs Ukraine, Xulka Jarmalka Ma Sii Wadan Doonaa Guushoodii Koobka Aduunka Mise Waa La Garaaci Doonaa.
June 12, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kulanka Germany vs Ukraine

Garoonka: Stade Pierre-Mauroy

Saacada Geeska Afrika: 10:00 habeenimo

Garsooraha : Martin Atkinson

Falanqeynta kulankan

Kadib  goolkii cajiibka ahaa ee Mario Gotze wadanka  Germany ugu gacan galiyey koobkii afaraad ee adduunka laba sano ka hor, qaar badan oo ka mid ah khubarada kubada cagta ayaa u  saadaaliyay  kooxda macalin Joachim Low in ay sii wadi karto guulahaas islamarkaana ay sameyn doonaan sidii xulka Spain oo ku guulaystay koobka qaramada yurub kadib kusoo guulaysigoodii koobka aduunka ee 2010.

toddoba jeer ayaa laga badiyay tan iyo markii ay kaga badiyeen Argentina garoonka  Maracana  laba sano ka hor, inta lagu guda jiray isreebreebkii  waxay  guuldarro kala kulmeen  Poland iyo Republic of Ireland, oo sidoo kale waxay lumiyeen kulama saaxiibtinimo – gaar ahaan guul darrooyinkii England iyo Slovakia.

Wararka labada xul

Tababaraha Germany Joachim Low ayaa laga yaabaa in goor dambe uu go’aan soo saaro oo ku saabsan taam ahaanshaha Mats Hummels, kaasoo dhaawac kubka ah qabay in uu  kasoo muuqan doono iyo in kale.

Antonio Rudiger waxaa soo gaaray dhaawac jilibka talaadadii oo waxaa  lagu bedelay Jonathan Tah.

Tababaraha qaranka Ukraine Mykhaylo Fomenko Waxa uu go’aan san doonaa in uu u isticmaalo doorka dhexe ee weerarka khadka dhexe,  Denys Garmash, Serhiy Sydorchuk iyo Viktor Kovalenko oo dhamaan u tartamaya.

gman

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Germany wax guuldaro ah kama soo gaarin Ukraine  shan kulan ee ugu danbeysay (2guul, 3barbaro). labadii kulan ee ugu danbeeyay waxay dhaliyeen 11 gool (toddoba, Germany, afar  Ukraine).

Kulankaan  waa kulankii ugu horreeyey ee tartan weyn ay iska hor imaadaan Germany iyo Ukraine.

Germany

Waxay kasoo muuqanayaan markii 12aad koobka qaramada Yurub . Waxa ay ku guuleysteen seddex jeer (1972, 1980 iyo 1996), waxaana la mid ah Spain (1964, 2008 iyo 2012).

Jarmalka ayaa ku guuldareystay inay ka soo baxaan  wareega group-yada saddex jeer – 1984, 2000 iyo 2004.

Thomas Muller ayaa u dhaliyay sagaal gool xulka Germany isreebreebka – ma jiro ciyaartoy kale oo  Jarmal  u dhaliyay in ka badan seddex gool.

Muller ayaa laha gool iyo hal caawinaad shantii kulan ee ugu danbeysay European Championship. Dhinaca kale, waxa uu leeyahay 10 gool oo lix gool caawin kadib 13 kulan uu ciyaaray  Koobkii  Adduunka.

Germany ayaa weli laga badinin kulanka furitaanka koobka qaramada Yurub  (6guul, 5barbaro) .

Ukraine

Ukraine ayaa ku hartay wareega group-yada  ee  European Championship, xiligii  ay martigalinaayeen 2012.

Andriy Shevchenko ayaa ah ciyaaryahanka kaliya  ee u dhaliyay Ukraine  gool koobka qaramada (2gool).

Ukraine ma dhalin wax ka badan hal gool 12kii kulan ee isreebreebka Guud ahaan.

Andriy Yarmolenko ayaa u  dhaliyay lix gool Ukraine inta lagu jiray isreebreebka – ma jiro ciyaaryahan kale  oo Ukraine ah oo dhaliya wax ka badan saddex.

Yevhen Konoplyanka ayaa abuuray fursado ka badan ciyaaryahan kale ee Ukraine ah inta lagu jiray  isreebreebka (21)

Shaxda macquulka ah

Germany: Neuer; Howedes, Boateng, Tah, Hector; Khedira, Kroos, Müller, Özil, Draxler, Götze
Ukraine: Pyatov; Fedetskiy, Khacheridi, Rakitskiy, Shevchuk, Stepanenko, Garmash; Yarmolenko, Sydorchuk, Konoplyanka, Zozulya

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News