Haqabtirenews.com
Dad Loo Qabtay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga.
June 12, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Wararka laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaya in 3 qof oo tuhunsanayaal ah loo qabtay qaraxii Talaadadii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Istanbul, halkaasi oo ay ku dhinteen 11 qof.

160611220007_istanbil_bomb_attack_512x288_bbc_nocredit

Wakaalada wararka ee Do ğan ayaa sheegtay in tuhunsanayaasha lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin urur argagixiso ah, ayna weerarreen dalkaasi iyaga oo dil geystay.

Jimcihii ayay ahayd markii ururka Kurdistan Freedom Falcons, oo la rumeysan yahay inuu ka go’ay jabhadda PKK, uu sheegay in uu qaaday qaraxaasi ka dhacay Istanbul.

Turkiga ayaa dagaal kula jira jabhadda Kurdiyiinta ee PKK, ka dib markii ay burburtay xabbad joojintii u dhexeysay bishii July ee sanadkii hore.

Qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Turkiga ayaa si ba’an u sameeyay dalxiiska, oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee uu dalkaasi ku tiirsan yahay.

COMMENTS
Latest News