Haqabtirenews.com
Corriere dello Sport: Manchester United Oo 100 Milyan Euro Kula Soo Wareegeysa Xiddiga PSG Marco Verratti.
June 12, 2016 - Written by Sports Staff
">

Marco Verratti ayaa u raaci kara saaxiibkiisa Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic kooxda Manchester United xagaagan kuwaasoo ku doonaya 100 milyan euro, sida ay ku warameyso jariirada Talyaaniga ee Corriere dello Sport.

Inkastoo aan si rasmi ah weli loo xaqiijinin, Ibra ayaa si weyn loo filayaa inuu ku biiro kooxda uu dib u habeynta ku sameynayo Jose Mourinho ee Man United isagoo si xor ah ugu biiraya.

War cajiib ah oo maanta lagu qoray jariirada Talyaaniga ee Corriere dello Sport ayaa soo jeedinaya in Manchester United ay diyaar u tahay inay 100 milyan euro ku soo iibsato xiddiga khadka dhexe ee PSG Verratti.

marco-verratti-psg_fisn45fj0lzq1fy75m5pxtw2i

Waxa uu inta badan xilli ciyaareedkii dhamaaday ku qaatay miiska daweynta, isagoo ugu danbeyn laga qalay eernada isboortiga taasoo ku qasabtay inuu seego tartanka Euro 2016.

Verratti ayaa qandaraaska uu kula joogo PSG waxa uu dhacayaa bisha June 2020 isago qiyaar u heysta inuu sannad kale ku sii darsado qandaraaskiisa.

Mushaharka ay Man United miiska soo saartay ayaa lagu sheegay inuu yahay 8.5 milyan euro xilli ciyaareedkii oo ay siinayaan xiddiga khadka dhexe ee lagu tilmaamay inuu yahay Andrea Pirlo-ha cusub.

Verratti ayaa kaliya 23 sanno jir ah, waxaana PSG ay kala soo wareegtay kooxda Pescara heshiis 12 milyan euro ah sannadii 2012 isagoo aan hal kulan oo Serie A ah safanin.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News