Haqabtirenews.com
Arsenal Oo U Jeedsatay Soo Xero Galinta Weeraryahan Ka Ciyaara Horyaalka League 1 Kadib Markii Jamie Vardy Iska Diiday In Uu Ku Biiro.
June 12, 2016 - Written by Sports Staff
">

Weeraryahanka xulka qaranka Uruguay iyo kooxda PSG ayaa iska diiday dalab uga yimi kooxda ka ciyaarta Horyaalka china oo ugu balan qaaday mushahar dhan £500,000-todobaadkii si uu ugu dhaqaaqo horyaalka Premier League sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka ayaa la filayaa inuu ka tago Paris Saint-Germain, waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu ka ciyaaro England, taas oo soo jeedisay dareenka tababarah Arsenal ee Arsene Wenger oo suuqa ugu jira weeraryahan dilaa ah si uu kooxda xilli ciyaareedka dambe uga caawiyo ku guulaysiga premier League.

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa doonaya weeraryahan dhalin kara goolal badan xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu weeraryahanka kooxda Leicester city Jamie Vardy iska diiday in uu u dhaqaaqo kooxda Arsenal xilli ciyaareedka dambe.

Cavani ayaa dhaliyay 19 gool oo horyaalka League 1 xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo saftay 32 kulan laakiin waxa la filayaa in xiddigani ka kooxda ku ciyaarta Garoonka Parc des Princes xagaagan.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News