Haqabtirenews.com
Dhib Walbaba Ninba Ka Dhiidhiya !. WQ- Abdi Salaan Mahdi Cirro
June 9, 2016 - Written by Aragtida Bulshada
">

Dhalinyarada somaliland inbadan ayey ka hadleen oo la hadleen  xukumada, hayadaha dawliga,  ganacsatada IWM

Inbadan ayeey dhalinyaradu afkaartoda ku adan wax u qabashadadoda kaga hadleen TV, WEBSITES iyo Xaruumaha Dawlada

Se dhawaqa baxaya inbadan bay xukumadu iyo hayadaha dawliga ahi dheegesan waayeen oo dhagaha ka awteen

Taasana keenaysa in dhalinyaradu taahriban oo naftooda biimeeyan,  Hadaba manta dhalinyarada oo uu codkodu mid yahay ujeedoyinkodana wata  ayaa hadlay Waxaynu ku hadleen  MADASHA BADBAADADA DHALINYARADA SOMALILAND EE (MABDA).

Waa Madal xambaarsan baahiyaha dhalinyarada Somaliland gabigoodba haysta. Sido kale waxay fariintan u direen MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA  SOMALILAND IYO SIYAASINTA KALEBA.  Akhirste an ku bayaansho  Fariintay xambarsanyihin, ahdaaftoda iyo halka ay doonayan in wax laga qabto .

1: FARIINTA AY XAMBAARSANYIHIN

Ma Nihin Mustaqbalkii bari, Waxaanu Nahay Mustaqbalka Maanta

2: AHADAAFTA (MABDA)

MABDA Waxay  Ugu Talo Gashay Iny Dib U Soo Nooleeyso Rajadii Dhalinyarta Somaliland Oo Ay abuuran Isku Duubni, Wada Jir Iyo Lexejeclo  Dhalinyaronimo

3: HALKA AY DOONAYAN IN WAX LAGA QABTO !

15-Ka Qodob Ee Madashu Codsatay In Wax Laga Qabto kuwaso kala ah

  1. In miisaaniyadda manta taal wax cayiman loojaro oo waliba imika wax ka qabanaysa baahida dhalinyarada haysata sida (in la sameeyo ugu yaraan laba center oo waawayn laguna barto xirfadaha gaarkaa, sheikhyada waawayn ee wadankana loogu dhiibo misaniyadaas lagu dhisayo lagana ilaaliyo in loo dhiibo cid gaara ama urur gaar looleeyahay).

2: In la hindiso qaabka ugu fudud ee shaqo laguu abuuri karo iyadoo dadka ugu badan ee talada la waydiinayaana noqdaan dhalinyarta ( sanduuqa sakada oo dhalinyarad qorshah lagu daro si wax loogu abuuro)

3. In la dhiiri galiyo wax soo sarkii wadanka oo dhalinyaradaa aan aqoontoodu gaadhsiisnayn heer jamacadeed koox koox loo siyo dhul ay beertaan ooy wax kazoo sartaan riigna loo raaciyo iyo doonyo yar yar oo ay ku kaluumaysan karaan.

4. In la shaqaalaysiiyo dhalin yaro badan lagana shaqaalaysiiyo ciidamada sida(sarrkalnimo,askari) iyadoo loo eegayo heerkooda aqooneed

5. In dawladu ku dhawaaqdo in shirkadaha ajaanibka wataa ay ku qasbaan ajanibkaas la joogaa in ay mudo kooban ku baraan shaqada ay hayaan ee xirfada ah dhalinyarta somalida ah oo ay consultant ahaan usoo shaqalaysiiyaan kana ilaaliyaan inay iyagu shaqada qabtaan markay dadkeena wax baraana iska fasaxaan

6. In dawladu soo rogto xeer ah in shaqaalah la qaadanayaa ay cadaalad noqoto wasaradii ama masuulkkii lagu qabto isagoo cadalad daro samaynayana sharciga lasoo taago

7. In masuulka qaran ee ku dhaqaaqa musuq iyo lunsi hanti umadeed sharciga la waafajiyo oo aan laga saamaxin lagana mamnuuco hantida uu ku tagrifalaayo

8. In ay wasaarada Dhalinyarta iyo ciyaarah Jamhuuriyada Somaliland Iyo Hayadaha kalee ku maxaafsada magaca dhalinyartu ay gabi ahaanba gabeen shaqadii dhalinyarta. Madaxwaynahana ka rabno inuu goaan adag ka soo saaro oo wax u tarayaa dhalinyarta, kulana xisaabtamo Madaxwaynuhu.

9. In labada gole, golaha sharci dajinta iyo golaha fulintu ay meel mariyaan sharcigii haweenka kootada lagu siinayo

10. In xukumadu ka dayso cabudhinta iyo cag juglaynta xoriyatul qawlka oo ay u soo marto wadadii loo mari jiray suxufiyiinta xadhigan lagula dag dagayana laga daayo.

11. In Go’aankii geesinimada ahaa ee wasiirka wax barashadu kaga dhawaajiyay tayaynta waxbarashada xukumada inteeda kale kula hawlgalaan oo wada jir loogu dadaalo in tayadii waxbarashada dib loosoo celiyo una qabato tartano jamacadaha wadanka kuna tar tansiiso heerka aqoonta

12. In wasarada waxbarashadu la socoto heerka aqoonta ardayda kana mamnuucdo wadanka ajanibka jamacadaha wax ka dhigaya

13. In dawladu soo saarto wareegto ay ku fulinayso dastuurka wadankeena iyadoo la raacayo in waxbarashada oo dhan laga dhigo curriculum kooda Soomali/English

14. In xiliyada jaadku soo galayo wadanka laga dhigo xili kaliya oo la mamnuuco xiliyadan badan ee uu soo kala galayo

15. In dawladu ku dhawaaqdo shaqo qaran(National Servce) oo ay dhalinyarta waxbaratay dhamaystayna heerka dugsi sare ama jamacadi ugu yaraan sanad mutadawacnimaa ku shaqeeyaan lagana shaqaalaysiiyo wasaradaha iyo goobaha dawlada, hayadaha maxaliga, ganacsatada iyo goobaha wax soo sar ee loo arko inay cilmii ka korodhsankaraan iyaguna maskaxdooda iyo muruqoodaba dalkooda wax ugu taraan.

sidan aniga iyo dhalinyaro badan oo G/Togdheera u aragno ujeedeyinka MABDA waxay naga mudan yihiin Hill iyo Hooba

waxanan halkan gubaabin iyo dhiiro galinba ugu diraya Gudoomiyaha MABDA, Liiban Abdi Hassen iyo dhalinyarada kaleba

 

 

COMMENTS
Latest News