Haqabtirenews.com
Xidigii Diirada U Saarnaa Chelsea Ee Antonio Rudiger Oo Uu Dhaawac Xun Soo Gaaray Iyo Xidigaan Oo Macsalaameeyay Euro 2016.
June 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Daafaca xulka qaranka Germany ee Antonio Rudiger ayaa laga saaray tartanka Euro 2016 kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaaray.

23-sano jirkaan daafaca buuxa ah ayaa la filayay inuu ciyaaro tartankiisii ugu horeeyay ee tartanka weyn ah kadib qaab ciyaareed fiican uu ku soo bandhigay kooxda Roma xili ciyaareedkii hore.

Dhaawacan ayaa soo gaaray xili ay ku guda jiray tababar furan oo ay xulkooda soo bandhigayeen kadib markii ay soo gaareen France iyadoo si lamid ah daafacan ay tababarka ka bexeen Sami Khadiera iyo Jerome Beonteng.

Inkastoo uu dhawaan heshiis joogto ah u saxiixa Giallorossi, Goal ayaa hadana fahsan inuu wali diirada u saaran yahay Chelsea, although inkastoo uu dhaawaciisaan saameyn ku yeelan karo u dhaqaaqistiisii Stamford Bridge.

Rudiger

Germany ayaana wali ku dhawaaqin in xulka macalin Joachim Low uu sameyn doono wax badal ah iyo ciyaariyahankaan uu iska sii joogi doono kooxda qaranka.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News