Haqabtirenews.com
Suuqa Kale Iibsiga: Liverpool Oo Diyaar U Ah Iney Dalab Ku Gudbiso Xidiga Aadka Loo Qiimeeyo Ee Southampton Ee Saido Mane.
June 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Macalinka kooxda LIVERPOOL ee Jurgen Klopp ayaa diyaar u ah inuu soo iibsada Sadio Mane oo lagu qiimeyo £30 milyan oo pound, sidaasi waxa qortay The SUn.

Klopp ayaa doonaya xidiga orodka badan ee Southampton waxayna u dhaw yihiin iney heshiis la gaaraan.

Madaxa Kop ayaa u dhaqaaqay saxiixa xidigaan ka hor inta aysan Manchester United u dhaqaaqin waxaana la fahsan yahay in macalinka cusub ee Old Trafford Jose Mourinho uusan ku qanacsaneyn Mane kadib warbixin uu ka helay dadka kooxda wax u so arka.

Liverpool ayaa diyaar u ah iney bixiso £25 milyan oo pound ama wax ka badan si ay u helaan xidigaan Senegalese ah oo qudhiisa aad u doonaya inuu ku soo biiro.

Hadii uu yimaado Mane oo 24 sano jir ah garoonka Anfield, Klopp ayaa wada heysan doono weeraro tayo leh iyadoo markaasi uu cadaadis soo fuuli doono xidigaha ree England Daniel Sturridge iyo Danny Ings.

Mane

Si kasto, Klopp ayaa la fahansan yahay inuu dhaman wada heysto xidigahaan isagoo aaminsan in Mane uu wax badan ku soo kordhin karo kadib 15 gool uu xili ciyaareedkii hore u dhaliyay kooxdiisa Saints wuxuuna raaci doonaa wadadii ay raaceen Adam Lallana, Nathaniel Clyne iyo Dejan Lovren.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News