Haqabtirenews.com
Sky Sports: Man City Oo Ku Dhow Inay Soo Xerogeliso Xiddigii Diirada U Saarnaa Man United Pierre-Emerick Aubameyang.
June 8, 2016 - Written by Sports Staff
">

Manchester City ayaa horumar ka gaartay wadahadalada ay kula jiro kooxda Borussia Dortmund oo ku aadan saxiixa xiddiga sannadka Afrika Pierre-Emerick Aubameyang, sida ay sheegtay Sky Sport News.

Kooxda Manchester City ayaa ku dhow inay dhameystirto saxiixa xiddigii labaad ee ay kala soo wareegto kooxda Jarmalka xagaagan, iyadoo ilo ay soo xiganeyso Sky Sports ay sheegayaan in wadahadalada ay marayaan meel sarre.

Man City ayaa Ilkay Gundogan si rasmi ah ugala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund isbuucii hore, waxaana tababaraha cusub ee City Pep Guardiola uu doonayaa inuu soo xerogeliyo xiddigii ay isku kooxda ahaayeen.

Borussia-Dortmund-v-VfL-Wolfsburg-Bundesliga

Aubameyang ayaa si xoogan loola xiriirinayay Manchester United waqtiyadii ugu danbeysay, laakiin waxa ay u muuqataa in City ay ka horeyso saxiixiisa.

Xiddiga reer Gabon ayaa qiimihiisa uu sarre u kacay xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 25 gool 29 kulan oo Bundesliga ah uu saftay, waxaana kaliya ka fiicnaa weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski.

Xiddiga reer France Aymeric Laporte oo u ciyaara kooxda Athletic Bilbao iyo daafaca Ingariiska ee Everton John Stones ayaa sidoo kale ku jira liiska ciyaartoyda uu doonayo Pep Guardiola.

Macalinka reer Spain ayaa raadinaya inuu shan ciyaaryahan ku soo kordhiyo kooxdiisa ka hor xilli ciyaareedkiisii ugu horeeya ee Etihad Stadium.

COMMENTS
Latest News