Haqabtirenews.com
Taageerayaasha Premier Leaque-ga Oo Cadho Ka Muujiyay Kubbada Cusub Ee Lagu Ciyaari Doono Hoyraalka Ingiriiska Xili Ciyaareedka 2016/17.
June 7, 2016 - Written by Sports Staff
">

Shirkada Nike ayaa soo saartay kubbada cusub ee xili ciyaareedka 2016/17 lagu ciyaari doono horyaalka Ingiriiska, laakiin kubbadan cusub ayaa haddaba la kulantay mucaaradad badan, waxaana lagu tilmamaay mid aad u liidata. Sidoo kale maamulka Premier Leaque-ga ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la badalay astaantii hore ee Premier Leaque-ga, waxayna dad waynuhu ka cadhoodeen in astaanta cusub ee Premier Leaque-ga iyo kubbada cusubi ay labaduba yihiin kuwo aad u liita.PL Ball

Shirkada Nike ayaa samaysay kubbad midabyo badan ka kooban isla markaana dhexda loogu sameeyay astaanka cusub ee Premier Leaque-ga, waxaana sidoo kale dhexda ugaga taala isla astaanka shirkada Nike. Jamaahiirta Premier Leaque-ga ayaa bishii Febuary si aad ah ugaga falceliyay astaanka cusub ee Premier Leaque-ga balse kubbada cusub ee ay Nike soo saartay ayaa markale soo kicisay cadhada dad waynaha oo aan la dhacsanayn kubbadan iyo waliba astaanta cusub ee Premier Leaque-ga.

The new Premier League ball for 2016/17
Dad badan ayaa fikirkooda ka dhiibtay waxayna maamulka Premier Leaque-ga u soo jeediyeen in ay dib u saxaan isla markaana ay badalida astaanta Premier Leaque-ga iyo kubbadan cusubi ay tahay musiibo, halka dad kale ay kubbadani dib u xasuusisay astaanka Premier Leaque-ga oo ay markale cadho ka muujiyeen.

 Haddaba akhriste adiga siday kuula muuqataa kubbada cusub ee Premier Leaque-ga lagu ciyaari doono xili ciyaareedka cusub ee 2016/17?. Sidoo kale astaanta cusub ee Premier Leaque-gu miyay tahay mid tii hore ka liidata?

 Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News