Haqabtirenews.com
Goal: Riyad Mahrez Oo U Sheegay Arsenal Inuu Diyaar U Yahay Inuu Isaga Tago Kooxdiisa Liecester.
June 7, 2016 - Written by Sports Staff
">

Riyad Mahrez ayaa diyaar u ahinuu isaga tago kooxdiisa Leicester City inkastoo kooxda daafacaneysa horyaalka Premier League ay dooneyso iney ka dhaadhiciso inuu saxiixo qandaraas cusub oo mushaarkiisa lagu kordhanayo, sidaas waxaa fahansan Goal.

Xidiga heysta abaalmiranta PFA Player of the Year ayaa waxaa doonaya kooxaha ugu waa weyn yurub kadib markii uu dhaliyay 17 sidoo kalena uu sameeyay 11 caawinaad si uu uga caawiyo Foxes horyaalkoodii ugu horeeyay ee taariikhda kooxdaas xili ciyaareedkii dhamaaday 2015-16.

Mahrez ayaa hore Leicester ugu saxiixay heshiis cusub bishii August 2015 wuxuuna haatan qaata £35,000-oo pound todobaadkii waana in ka hooseysa inta uu qaato wiilka Arsenal u xirxiran ee Jamie Vardy kaasoo msuhaarkiisii gaarsiiyay £80,000 oo pound bishii February.

Xidiga heerka caalami ee Algeria ee Mahrez ayaa soo jiitay indhaha kooxaha Arsenal iyo Paris Saint-Germain kadib qaab ciyaareedyadii cajiibka ahaa ee uu ku soo bandhigay kooxdii Claudio Ranieri.

riyad-mahrez-leicester-cit

UWaxaana haatan la fahansan yahay inuu diyaar u yahay inuu isaga tago garoonka King Power Stadium xagaagan inkastoo uu wali ixtiraamaya go`aanka kooxdiisa.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News