Haqabtirenews.com
SUUQA KALA IIBSIGA: Chelsea Oo Hogaanka U Qabatay Tartanka Saxiixa Alvaro Morata Madaama Arsenal Ay U Jiheysatay Jamie Vardy.
June 6, 2016 - Written by Sports Staff
">

Chelsea ayaa haatan hogaamineysa ceyrsashada saxiixa weeraryahanka Juventus Alvaro Morata kaasoo u muuqda inuu xagaagan ka tago kooxda heysata horyaalka Talyaaniga xagaagan, sida ay ku warameyso jariirada Isbaanishka ee AS.

Morata ayaa si weyn loola xiriirinayaa inuu u wareego horyaalka Premier League, waxaana tilmaamaha oo dhan ay muujinayaan in Stamford Bridge ay tahay meesha ugu macquulsan ee uu saldhigan karo xiddigaan reer Spain.

Iyadoo Antonio Conte uu la wareegayo shaqada tababarenimo ee Chelsea, inuu u wareego kooxda Galbeedka London ka dhisan ayaa ah wadad ugu fiican ee soo jiidaneysa xiddigii hore ee Real Madrid sida ay sheegeyso jariirada Isbaanishka.

1464548474_543708_1464548552_noticia_normal

Tababarihii hore ee Juventus Conte ayaa qeyb libaax leh ka qaatay in Morata uu u soo wareego Turin sannadii 2014, inkastoo uu ka tagay shaqada Bianconeri wax yar ka hor inta uusan 23 jirkaan imaanin kooxda.

Kooxda horyaalka Ligue 1 ka dhisan ee Paris Saint-Germain oo raadineysa bedelka Zlatan Ibrahimovic ayaa sidoo kale dooneysa ciyaaryahanka kaasoo la maqan xulka Spain ee ka qeybgalaya tartanka Euro 2016.

Mustaqbalka Morata waxaa go’aan ka gaareysa kooxda Real Madrid kuwaasoo sharuud dib u iibsasho ah ku dartay markii uu ciyaaryahanka tagayay Bernabeu ee uu ku biirayay Juventus.

Los Merengues ayaa lacag gaareysa 30 milyan euro ku soo ceshan karta Alvaro Morata inta u dhaxeysa 1da ilaa iyo 15ka bisha July, iyadoo kooxda Champions League ku guuleysatay ay dooneyso inay ku iibiso markaas lacag ay faa’ido ku heleyso.

 

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News