Haqabtirenews.com
Sawirro: Jamie Vardy Oo Raacay Diyaaradii Xulka England U Qaadeysay France Goordhaweyd – Laakiin Maxay Taasi U La Micno Tahay Arsenal?
June 6, 2016 - Written by Sports Staff
">

Jamie Vardy ayaa raacay diyaaradii xulka England u qaadeysay France ka hor tartanka Euro 2016 iyadoo weeraryahanka Leicester City uusan weli go’aansanin inuu dhameystiro heshiiska 20ka milyan ginni ee uu ugu wareegayo Arsenal.

Roy Hodgson ayaa doonayay in 29 jirkaan uu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa ka hor inta uusan xiddigaha kale ee Three Lions kula biirin xaruntuusa Chantilly maalinta talaadada.

Waxaa la filayay in heshiis laga gaaro ku biirista Vardy ee Arsenal maalintii sabtida iyo axada ka dib markii Gunners ay miiska soo saartay jimcihii lacagta 20ka milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaskiisa.

PAY-England-squad-at-Luton-Airport

Laakiin heshiiska Vardy weli ma uusan dhamaanin inkastoo ay soo baxayaan warar soo jeedinaya in tababaraha xulka England Roy Hodgson laga yaabo inuu u ogolaado ciyaaryahanka waqti dheeri ah oo uu go’aan kaga gaaro mustaqbalkiisa.

Xulka Three Lions ayaa u duulay xaruntooda tababarka Chantilly ee dalka France goordhaweyd iyadoo Vardy uu qeyb ka yahay safarkaas.

England-squad-at-Luton-Airport13

Vardy ayaa dib u dhigay inuu go’aan gaaro ka dib markii Leicester City ay ugu baaqday inuu sugo muddo 24 saacadood ah si uu u arko qandaraaska ay iyagana ku ridinayaan kan Arsenal, madaama ay Arsenal miiska soo saartay heshiis afar sannadood ah oo uu Vardy isbuucii ku qaadanayo 120 kun ginni.

Taasna waa labo jibaarka waxa uu 29 jirkaan haatan ka qaadanayo Leicester, waxaana kooxda heysata horyaalka Premier League ay u dagaalameysaa inay barbareyso qandaraaskaas.

CkQwu0fXAAA1XNZ3456

 

Saaxiibo ku dhow Vardy ayaa aaminsan inuu u janjeero inuu u wareego Emirates Stadium laakiin weli go’aan kama danbeys ah ma uusan gaarin.

Arsenal ayaa rajeyneysa inay tijaabada caafimaadka mariisyaan ciyaaryahanka ka hor inta uusan u duulin France islamarkaana ay wadahalada soo gabagabeeyaan, madaama Roy Hodgson uusan dooneynin in wadahadalka heshiiskiisa inuu ka qaso qorshihiisa xulka qaranka.

 

 

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News