Haqabtirenews.com
RASMI: kooxda Leicester City Oo Premier League Ka DHex Heshay Badalka N’Golo Kanté.
June 6, 2016 - Written by Sports Staff
">

kooxda  Leicester City ayaa heshay bedelka N’Golo Kanté. oo kooxda isaga tagi dhaqaaqi doono sida laga soo xigtay wargeyska Daily Star  kooxda Leicester Cit ayaa dooneyso inay la soo wareegto xidiga xulka qaranka Kenya iyo kooxda Southampton ee Victor Wanyama inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga.

talaabadan ayaa timaaday kadib markii ay soo dhowatay bixitaanka xidiga qadka dhexe ee xulka qaranka france ee N’Golo Kanté kaasi oo baadi goob xoog leh ugu jiraan kooxo badan oo ay ka midyihiin Arsenal, chelsea iyo PSG.

sida laga soo xigtay wargeyska Dail Star macalinka  Leicester ee Claudio Ranieri, ayaa aaminsan Victor Wanyama  inuu yahay xidiga ku haboon badalka N’Golo Kanté.

wargeyska ayaa intaas ku daray in kooxda Leicester cit ay miiska u saari doonto lacag dhan 18 million si ay u hesho saxiixa xidiga ka soo jeeda dalka Kenya.

http://media4.picsearch.com/is?KCJTwKnrKnrMuhEHqLs20Ya0YG2GJniWpT1tTcu429c&height=255

Qorre: maxamed jeesto

 

COMMENTS
Latest News