Haqabtirenews.com
Oh Maxaad Wadaa Wenger ! Arsenal Oo Markale Leicester La Furtay Wada Hadalo Ay Kula Soo Wareegeyso Riyad Mehrez Oo Soo Raacaya Jamie Vardy.
June 6, 2016 - Written by Sports Staff
">

ARSENAL ayaa wada hadalo kale oo ay Riyad Mahrez ugu soo dareyso saxiixa Jamie Vardy la furtay kooxda Leicester, sidaasi waxaa cadeysay jariirada The SUn Sport ee kasoo baxda ingiriiska.

Arsene Wenger ayaa xili horeba ogolaaday £20 milyan oo pound oo lagu burburin karo heshiiska weeraryahanka Foxes ee Vardy kaasoo la sheegay inuu shalay tijaabada caafimaad ku maray London Colney.

Laakin haatan markale xaalada ayaa noqotay mid cajiib u ah Arsenal iyagoo doonaya iney Vardy ku soo daraan xidiga heysta abaalmarinta PFA Player of the Year ee Mahrez

The Gunners ayaa markale diyaar u ah iney jeebta gacata galiyaan oo ay bixiyaan lacagta lagu burburin karo qandaraaska Mahrez iyagoo kala furfuri doona kooxdii Premier League ku guuleysatay ee Foxes.

Mehrez, Vardy and Wenger

Garabka 25 sano jirka ah ayaa ku yimid Leicester kaliya lacag dhan £400,000 oo pound wuxuuna kaga yimid kooxda Le Havre bishii January 2014 wuxuuna kadib qaab ciyaareed liita uu ku bilowday waayihiisa Premier league noqday xidiga ugu fiican Premier league.

Claudio Ranieri ayeey hore qasab ugu noqotay inuu cadeeyo in Gunners ay bixinayaan lacagta lagu burburin karo qandaraaska Vardy laakin Gunners ayaa haatan diyaar u ah iney ku soo darsadaan Mahrez iyagoo dhinaca kale u diraya Theo Walcott.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News