Haqabtirenews.com
Neymar Junior Oo Philipe Coutinho Ku Qalqaalinaya Inuu Iska Iloobo PSG Kuna Soo Biiro Barcelona.
June 6, 2016 - Written by Sports Staff
">

PHILIPPE COUTINHO ayaa ku soo baxay xidiga diirada u saaran kooxaha Paris Saint-Germain iyo Barcelona, sida ay qortay jariirada The Sun oo soo xiganeyso warar la helay.

Kubada sameeyaha Liverpool wakiiladiisa ayaa wada hadalo kula jira kooxda PSG laakin weeraryahanka Barcelona ee Neymar ayaa doonaya inuu ninka ay isku wadanka yihiin ee Coutinho keeno Nou Camp si uu badal ugu noqdo xidigaha MSN ee Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar.

Coutinho ayaa haatan ku mqana xulkiisa Brazil ee ka qeyb galaya tartanka Copa America ee xalau ku ciyaarayay gobolka Colombia garoonka ku yaala ee Rose Bowl.

Neymar ayaa sidoo kale ku sugan America, halkaasoo ka dhacaya Copa America Centenario wuxuuna xidiga Barcelona la baashaalayay oo ay tamshleyn wada jireen Justin Bieber, Lewis Hamilton iyo Jamie Foxx.

Coutinho

PSG ayaa iyana ku qiimeyso Coutinho lacag dhan £25 milyan oo pound waxayna weeraryahankii hore ee Inter iyagoo ka faa`ideysanaya in Liverpool aysan ka qeyb qaadaneyn tartanka Champions league xili ciyaareedka danbe.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News