Haqabtirenews.com
Eden Hazard Oo Beeniyay Inuu U Dhaqaaqi Doono Kooxda PSG Isagoo Qaba Inuu Ka Tagi Doona Chelsea Isagoo “Boss Ah”
June 6, 2016 - Written by Sports Staff
">

Eden Hazard ayaa meesha ka saaray inuu ku biirayo kooxda Paris Saint-Germain isagoona cadeeyay inuu sii joogi doono kooxdiisa Chelsea.

Xidigaan ayaa qaatay 2015-16 xili ciyaareed adag isagoona ku guuldreystay inuu Blues ka caawiyo daafacashada midkoodna Premier League iyo Capital One Cup oo ay xili ciyaareedkii ka horeeyay kuwada guuleysteen wuxuuna xidigaan oo haatan la jooga xulkiisa Belgiumka ee isku diyaarinaya tartanka Euro 2016.

Hazard ayaa yiri “PSG kama mid ah qorsheyga, waxaan qandaraas kula jiraa ilaa 2020, waxaan ku faraxsanahay halkaan waxaana doonayay iney xili ciyaareedka ku dhameysto si ka wanaagsan sidii aan haatan ku dhameystay”.

“Waxaan ka tagay Lille anigoo madax ahaa, waxaana doonayaa inaan Chelsea kaga tago sidaasoo kale hadiiba aan ka tago maalin maalmaha kamid ah, laakin dabcan haatan waxaan joogaa halkaan waana ku faraxsanahay”.

Eden Hazard

Markii wax laga weydiyay xili ciyaareedkiisii murugada badnaa ee 2015-16, Hazard ayaa yiri “Wax waliba waxay ahaayeen kuwo isku qasan, waxay ahaayeen kuwo adag, sida daacada ahna mudo shan ilaa lix sano ah waxaan ku jiray qaab ciyaareedkeyga ugu fiican laakin sanadkaan wuxuu ahaa keygii ugu adkaa”.

“Laakin waliba qof waliba wuu ogyahay in waayaha ciyaareed uu leeyahya xili fiican iyo xili uu hooseeyo, hadana sidaasi ay tahay waxaan kaliya wax ku baranay xiliyada wanaagsan marka laga reebo xili ciyaareedkii dhamaaday, laakin hada wey dhacday waxaana rajeynayaa ineysan mar kale dhici doonin”.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News