Haqabtirenews.com
Xulka Qaranka Masar Oo Rekoodh Markii 23 Aad Ah Ugu Soo Baxay Tartanka Qaramada Afrika Ee 2017, Mohamed Salah Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Xulalka Qaramada Ilaa Hadda Soo Baxay.
June 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Xulka qaranka Masar ayaa u soo baxay tartanka qaramada Afrika ee 2017 kadib markii ay 2:0 ku soo garaaceen xulka qaranka Tanzania kulan ka dhacay caasimada Dar es Salaam, waxaana Masar guushanu horseeday  Mohamed Salah oo laba gool kulankan ka dhaliyay isla markaana xulka qarankiisa Masar oo rekoodh markii 23 aad ah kaga soo muuqan doona tartanka qaramada Afrika ee 2017.

Xulka qaranka Afrika ugu guulaha badan ee Masar ayaan koobka qaramada Afrika ka soo muuqan doona markii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 2010 kii, waxayna soo baxeen iyaga oo aan wax guuldaro ah kula soo kulmin isreeb reebkii loogu soo baxayay koobka qaramada Afrika.Masar

Mohamed Salah ayaa gool dhalinta xulka qarankiisa ka dhigay 26 gool kadib markii uu u saftay 43 kulan wuxuuna Tanzania ay iska lumisya rekoodhe ee waqtigii hore ee qaybta danbe ee kulankan ka hor intii aanu Mohamed Salah ciyaarta hurdada u dirin isla markaana uu dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta soo gabagabeeyay. Photo published for Salah brace against Tanzania seals AFCON comeback

Mohamed Salah ayaa ka mid noqday 11ka xidig ee Masar goolasha ugu badan u soo dhaliyay, balse waxa uu wali aad uga fog yahay  halyaygii hore ee  Hossam Hassan kaas oo rekoodhkan ku haysata 78 oo uu ku dhaliyay 176 kulan waxaana ku soo xiga Hassan El-Shazli (41)  halyaygii Ahly ee  Mohamed Abou-Treika (38).

 

Waxaa sidoo kale tartanka qaramada Afrika ee 2017 u soo baxay xulalka qaramada kala ah Gabon, Morocco, Cameroon , Algeria iyo Masar oo aan ka soo hadalnay, waxaana wali socda kulamada ay xulalku ugu soo baxaan tartanka koobka qaramada Africa ee 2017. Xulalka qaramada kale ee soo baxa halkan ayaanu idiinku soo gudbin doonaa insha Allah.

Mohamed Elneyny

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News