Haqabtirenews.com
Xiriirka Kala Dhexeeya Juanfran Iyo Pique, Dabaal Degii La Undecima, In Xulkooda Ugu Cadcad Yahay Euro 2016 Iyo Waxyaabo Kale Uu ka Hadlay Sergio Ramos.
June 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Sergio Ramos ayaa hoos u dhigay urankii dhaxmaray isaga iyo Juanfran kulankii Champions League final wuxuuna daafaca Real Madrid meesha ka saaray iney jiraan wax muran ahoohaatan dhexyaala labada nin.

“Murano yaryar wey naga dhacaan maalin waliba, xitaa aniga iyo xaaskeyga waan muranaa ugu danbeyna waan kala socona, waan wada hadalnay aniga iyo isaga cyaarta kadib,xabadka ayaan is gelinay haatana waxaana nahay isku koox waxaana ka fakareenaa danta qaranka”.

Xafladii iyo Dabaal Degii La Undecima “Wuxuu ahaa todobaad cajiib ah laakin haatan waa inaan taas meel iska dhignaa, waxaan u diyaar gownay howsha qaranka, waxaan xaqiiqdii aad isugu diyaarnayaa inaan ciyaarno kulankeena ugu soo horeeya si aan u bilowno daafacashadeena koobka”.

Ramos

Ceebtii Kasoo RaacdayKoobkii Aduunka ” “Nasiib ayaan ku lahaa inaan kamid ahaa waqtigii ugu guulahada badnaa ee taariikhda xulkeyga, haatana waxaan u caaboonahay inaan taariikhqorno, mudo sanado ah waxaan aheynay guuleystayaal marka inaad mararka qaar guuldaro la kulanto waxay kaliya kordhineysaa dareenkaaga iyo hamigaaga guusha, casharo ayaana ka baranay guuldaradaas”.

Iney Ku Jiraan xulalka Ugu Cadcad Koobka “Inaan kamid nahay xulalka ugu cadcad waa faa`ido waxayna hore inoogu sii qaadeysaa dhiiro gelin, Croatia waxay heysataa koox aad u fiican oo isku dheylitiran marka ma awoodo inaan mid mid u sharaxo kooxaha oo dhan”.

Ka Reebitaankii XUlka Ee Isco “Waan ka helaa isaga in badan, waa saaxiibkeyga kooxda waana saaxiib qaali ah, waan jeclaan lahaa inuu halkana joogo laakin waxaa jira tartan aad u badan, mararka qaar ciyaartooy waa weyn ayaa laga soo tagaa sidaasi darteed waa inaad wax ka barataa daqiiqadahaas qaraar”.

Xiriirka Kala Dhexeeyo Pique “Gerard iyo aniga waxan leenahay khibrad weyn oo wadajir ah, waxan wada qaadanay kulamo badan oo xulka ah waxaana xasilooni siin karnaa daafaca danbe ee xulka, taasina waxay faa`ido u tahay kooxda inteeda kale”.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News