Haqabtirenews.com
Real Madrid Oo Qandaraasyo Cusub Ka Saxiixeysa Shan Ka Mid Ah Xiddigaheeda Xagaagan.
June 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

Real Madrid ayaa isku diyaarineysa inay cusbooneysiiso qandaraaska shan ka mid ah xiddigaheeda xagaagan, sida ay ku warameyso jariirada AS.

Kooxda hanatay koobka Champions League ayaa ka shaqeyneysa heshiis cusub oo ay ka saxiixdo Cristiano Ronaldo, laakiin xiddiga reer Portugal kaliya ma ahan ciyaaryahanka qandaraas cusub saxiixi kara ka hor bilowga xilli ciyaareedka danbe.

Real Madrid ayaa sidoo kale raadineysa inay qandaraaska u kordhiso Gareth Bale kaasoo heshiiskiisa uu haatan dhacayo 2019, waxaana ay doonayaan inay labo sanno kale ugu kordhiyaan.

cristiano-ronaldo-champions-league-real-madrid_3474907

Weeraryahan Jese Rodriguez ayaa isna qandaraaskiisa uu dhacayaa bisha Juun 2017, Madrid ayaana dooneynin inuu si xor ah ku baxo sannadka danbe. Haddii uu tababare Zinedine Zidane doonayo inuu sii joogo Real Madrid waxa ay u soo bandhigi doontaa qandaraas cusub. Haddii kale kooxda waxa ay raadin doontaa inay iska iibiso labada bilood ee soo socota.

Daafaca halyeeyga ah Pepe oo 33 jir ah ayaa sidoo kale galaya sannadkiisii ugu danbeysay ee qandaraaskiisa, laakiin kooxda ayaa la filayaa inay sugto waxoogaa waqti ah ka hor inta aysan qandaraas cusub u soo bandhigin.

Kubadsameeyaha reer Spain Isco ayaa isna wadada u saaran in qandaraas cusub laga saxiixo, waxaana uu hore u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Bernabeu, inkastoo uusan boos joogta ah ka heysanin kooxda.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News