Haqabtirenews.com
Ecuador Oo Bar-bar Dhac Bilaa Goolal Ah Ku Qabatay Brazil Iyo Natiijooyinkii Kulamada Kale.
June 5, 2016 - Written by Sports Staff
">

bruuuuuBrazil iyo Ecuador ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli biloowgii ay gacan sareeysay Barzil .

Brazil ayaa in badan halis gilisay shabaqa Ecuador balse daafac adag ayaa u diiday in ay talaabo qaadaan

Ka dib biloowgaas , hanaanka ciyaarta ayaa noqday mid u furan labada dhinac oo Ecuador dhankooda waa ay weerayaeen waxaana labadaas qaran ka maqnaa nasiibka

Soo laabashadii Brazil ayaa dar dar wacneyd oo kubado dhowr ah ayay ku halis giliyeen Ecuador halka Ecuador iyana ku tiirsanayaan kubadaha rogaal celiska ah lagana filan karay gool.

Qeybihii biloowga ciyaarta , kubadda ayaa aheyd mid deg degsiimo leh oo qaran kubadda ku daahayay ma jirin xilli Brazil ku fiicnaayeen weerarka balse daafac ayaa hor taagnaa

Ecuador ayaa ciyaareysay kubad kalsooni ku dhisan oo kubad waliba oo rogaal celis ahaa oo ay soo qaadaan waa ay qal qal gilineysay Brazil, waxaana Barzil kulankaan kuraasta ka taageerayay Neymar kaasi oo aan ka qeyb galeyn tartankaan ka dib markii kooxdiisa Barcelona codsadeen balse tartanka Olimbikada ayuu Brazil u safanyaa

Brazil waxaa kulankaan wacdaro dhigayay William , Alves , Philippe Coutinho iyo Filipe Luis waxana dadaalkooda ka maqnaa in ay ku keenaan gool.

Qeybhihii dambe ciyaarta waxa ay noqotay weerar iyo weerar celis oo labada koox waa u furneyn xilli Brazil daqiiqaddii 76-aad badaleen William iyaga soo gilyay Lucas Moura

Dhamaadkii Bazril si waliba ayay ugu duulleen Ecuador balse nasiibka ayaa didanaa iyo daafac waxa ayan ciyaarta ku dhameysteen bar bar dhacaas bilaa goolasha ahaa xilli Brazil mudnaayeen guul marka la eego sida cajiibka aheyd ee ay u ciyaareen

Kulamada kale ayay natiijadooda  noqotay sida tan

Costa Rica0 – 0 Paraguay
 Haiti 0 – 1 Peru
 Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News