Haqabtirenews.com
Ardayda Kuliyadaha MIS-ICT-ga Iyo HRM Ee Jaamacada ADDIS Burco Oo Soo Bandhigay Cilmi Baadhiso Iyo Borogaraamo Cajiiba+SAWIRO.
June 5, 2016 - Written by admin
">

Ardayda kuliyadaha MIS Iyo ICT-ga iyo sidoo kale kuliyada HRM jaamacada addis Faraceeda magaalada burco ayaa waxa ay soo Bandhigeen barnaamijyo Cilmiyeysan oo ay ku tijaabinayeen aqoonta ay ka barteen Jaamacada Addis.

Ardayda Kuliyada Maamulka Shaqaalaha Ee Loo Yaqaano (HRM) Ee Jaamacada Addis ayaa waxa ay soo Bandhigeen Cilmi baadhiso kala duwan oo Laga sameeyey arimo badan oo wakhti xaadirkan dalka ka jira Kuwaasi oo ay ka mid yihiin Tahriibka, Shaqo la,aanta dhalinyarada iyo arimo kale oo aad u tiro badan.

IMG_4636 IMG_4630 IMG_4668 IMG_4643 IMG_4649

Geestoodana ardayda Kuliyadaha MIS Iyo ICT-ga ayaa iyakuna waxa ay soo bandhigeen Barnaamijyo Lagu kobcin karo Horusocodka shirkadaha kala duwan kuwaasi oo ay ardayda jaamacadani addis si weyn uga soo shaqeeyeen Figrado ganacsi oo lagu Horumarin karo hanaan socodka shirdaha ganacsi ee kala duwan.

IMG_4654 IMG_4652 IMG_4660 IMG_4658 IMG_4636 IMG_4612

Ugu Horeyntii Waxa hadalo ka soo jeediyey Madashaasi hormuudka Kuliyadahani soo bandhigay Barnaamijyadan oo ah kuwo ku cusub soo bandhigitaankoodu dalka waxaana ay ka warameen mudada ay ardayda ku qaadatay soo diyaarinta barnaamijyadani ay soo bandhigeen, waxaana ay sidoo kale Hambalyo u soo jeediyeen Ardayda soo bandhigtay figradahan wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen iyakoona ku booriyey in ay Halkaasi ka sii wadaan.

IMG_4671 IMG_4622 IMG_4634 IMG_4618

Gudoomiyaha Jaamacada Addis Burco Prof Cali Cashuur Xasan oo Hadalo Kooban Gabagabadii Bandhiga Hindisahani Ardayda jaamacada addis ayaa waxa uu ku hambalyeyey Dhalinyarada in ay Horumariyaan Waxbarashadooda isla markaasina ay aduunka wax ku soo Kordhiyaan Waxaana uu yidhi ” Runtii aad iyo aad ayaan idiinku hambalyeynayaa Barnaamijyadan aad soo bandhigteen oo ah runtii kuwo wax ku ool ah, Waa loo baahan yahay markastaba in lagu fikiro horusocod iyo in ardaygu yeesho wax u gaar ah oo uu kaga timaaman yahay ardayda dhigiisa ah, Ka jaamacad ahaan runtii Jaamacadu waxa ay Gobolka ku soo kordhisay Aqoon tayo Leh waana hadafkayga koowaad in aan sii kobcino aqoonta Dhalinyarada oo ah Jiilka barito ee Dalkan iyo umadan Badhaadhe u horseedi kara, mar labaad iyo marsadexaadba waxaan idiinku hambalyeynayaa Figradahan wax ku oolka ah ee aad soo bandhigteen” ayuu yidhi Gudoomiyaha jaamacada Addis Prof Cali Cashuur Xasan.

IMG_4684

IMG_4617

Gabagabadii Jaamacada Addis Faraceeda Magaalada Burco ayaa waxa ay si weyn uga dhex muuqataa jaamacadaha kala duwan ee Gobolka Ka jira iyadoona mudadii ay ka jirtay gudaha gobolkani togdheer ka hirgalisay waxbarasho tayo leh Kuwaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen ardayda iyo Bulshada Gobolku.

IMG_4636 IMG_4642 IMG_4639 IMG_4640 IMG_4658 IMG_4630

 

COMMENTS
Latest News