Haqabtirenews.com
WARBIXIN: 20-ka ciyaaryahan ee ay u badan tahay in ay ku biiraan koox kale xagaagan, xiddigaha Premier League ugu caansan oo liiskaan ku lug yeeshay – Yaa kooxdaada ugu jira??
June 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

suuqa kala iibsiga xagaaga waxaa isku diyaarinaya kooxo dhowr ah in ay saxiixyo waweyn ka sameeyaan ka dib koobka Euro ee France.

Manchester City ayaa hore u soo xero gelisay Ilkay Gundogan oo kaga yimid Borussia Dortmund, halka Liverpool ay la soo wareegtay goolhayaha Mainz Karius.

haatan lagu soo waramayaa, sida ay baahisay SunSport 20 ciyaaryahan oo laga yaabo in ay ka dhaqaaqan xagaagan kooxahooda kuwaso suuqa sameynta ugu badan ku yeelan doona.

Everton duo Ross Barkley and Romelu Lukaku could be part of a major summer overhaul at Goodison Park this summer

warbixintaan oo ay dabacday CIES Football waxaa kujira magacyada ugu waweyn suuqa kala iibsiga muddoyinkii dambe laga doonayay

Inta badan xiddiga Napoli ee Gonzalo Higuain, oo wacdaro ka sameeyay Serie ah xilli A, markii uu dhaliyay 36 gool – ayaa waxaa haya indhaha tababaraha cusub ee Manchester United Jose Mourinho.

Qaar ka mid ah magacyada weyn ee ka dhaqaaqi kara Ligue 1 waxaa kamid ah Alexandre Lacazette, Michy Batshuayi iyo Bernardo Silva oo suuqa laga doonayo.

WAA KUWAN LIISKA OO DHAN

The top 20 potential movers this summer, in order of likelihood

Laakiin waxaa la yaab weyn ah in xaddigaha Premier League isbedelo weyn anu ku dhici doonin ama maga weyn uusan ka dhaqaaqi karin.

Labada ciyaaryahan ee Everton Romelu Lukaku iyo Ross Barkley oo kujira kaalmaha shanaad iyo 12aad siday u kala horreeyaan ayaa kasoo galay Liiskan horyaalka Ingiriiska,sida waafaqsan sharciga kala iibsiga isku dar waa lacag dhan £ 76million qiimaha lagu heli karo.

Magacyada kale ee waa weyn Yurub ka dhaqaaqi karo waxaa kamid ah xidiga Schalke ee Leroy Sane iyo Atletico Madrid ciyaaryahanka katirsan ee Antoine Griezmann iyadoo xiddiga France lagu qiimeeyo £ 93m.

Ninkii hore ee Chelsea Mohamed Salah ayaa laga yaabaa inuu ka tago Roma, laakiin sheekada weyn ayaa noqon doonta geesiga Leicester Jamie Vardy.

Southampton ayaa Sadio Mane uu ka dhaqaaqi karaaa garoonkeeda St Mary.

Could Jamie Vardy be on the way out of Premier League champions Leicester's line-up this summer?Former Chelsea forward Mohamed Salah may leave Roma in the summer after impressive season

Dhanka kale xiddiga diirada u saaran Liverpool Mario Gotze ayaa liiska kaalinta ugu dambeysa kaga jira inkastoo uu ku dhawaaqay inuu sii joogayo kooxdiisa Bundesliga.

ugaarsiga uu ku hayo Jurgen Klopp ayaa ku qasbi kara kooxda Bayern Munich in ay suuqa dhigto ciyaaaryahanka reer Germany.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News