Haqabtirenews.com
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Heshiiska Ay Arsenal Kula Soo Wareegeyso Xiddiga Leicester City Jamie Vardy.
June 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Arsenal ayaa wadahadalo ugu jirta la soo wareegida Jamie Vardy ka dib markii ay u sheegeen Leicester City inay diyaar u yihiin inay bixiyaan 20 milyan ginni oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa sida aan warkeenii hore idiin kugu sheegnay.

Macalinka Gunners Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu heshiiska dhameystiro ka dib markii kooxda Gunners iyo kooxaha kale ee Premier League lagu wargeliyay lacagta lagu burburin karo qandaraaska Vardy, waxaana qishkaas ay ka heleen wakiiladiisa.

Liverpool ayaa ciyaaryahanka u soo bandhigtay mushahar gaaraya 140 kun ginni isbuucii, laakiin Arsene ayaa wadada u saaran inay la soo wareegto sababtoo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa waxa ay kaliya gaar u tahay kooxaha Champions League ka ciyaaraya xilli ciyaareedka danbe. Taasoo la micno ah in Liverpool aysan kula soo wareegi karin Vardy 20 milyan ginni.

VardyMain

Kooxda hanatay horyaalka Premier League ee Leicester City ayaa u dagaalami doonta inay ceshato xiddigii 24k gool dhaliyay xilli ciyaareedkan laakiin waxaa la aaminsan yahay in Gunners ay ku dhow dahay inay dhameystirto saxiixa ciyaaryahan haatan mushahar ahaan u qaata 60 kun ginni.

Wenger ayaa daawanayay shalayto kulankii saaxiibtinimo ee England iyo Portugal iyadoo Vardy uu ku soo bilowday weerarka xulka Three Lions.

Waxaa la fahamsan yahay in taariikhda maanta inay muhim u tahay heshiiska madaama uu dhaqangalayo wixii maanta ka danbeeya lacagta 20ka milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska Jamie Vardy, waxaana ay Arsenal tartan ugu jirtaa inay heshiiska soo afmeerto maalmaha soo socda.

Macalinka xulka England Roy Hodgson ayaa cadeeyay inuusan dooneynin ciyaartoy tijaabada caafimaadka marta ama wadahadal suuqa kala iibsiga ku mashquusha laga bilaabo marka ay xulka u duulaan dalka Faransiiska sidaasi darteed waa in heshiiska la dhameystiraa waqti ka horeeya.

Saxaafada Ingariiska ayaa sheegeysa in 29 jirkaan uu doonayo heshiis afar sannadood ah iyo in mushahar ahaan loo siiyo 120 kun ginni isbuucii.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News