Haqabtirenews.com
Tartanka Copa America Oo Laga Dhaqangelinayo Sharciga Bedelka Afaraad.
June 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Qaban qaabiyayaasha Copa America Centenario ayaa xaqiijiyay in sharciga cusub ee bedelka afaraad ee laga dhaqangelin doono koobka oo bilowday xalayto.

Boodhka caalamiga ah ee kubada cagta ee loo yaqaano IFAB ayaa baahiyay sharciyada kubada cagta ee xilli ciyaareedka 2016-17, iyadoo ay ku jiraan sharciyo cusub.

Mid ka mid ah sharciyada lagu dabaqayo Copa America oo ka socda Mareykanka ayaa ah in la isticmaalo bedel afaraad haddii ciyaarta lagu darro 30 daqiiqo oo dheeri ah.

copa-america_dwuvz3h6l968zxyt5zafpzqa

Si kastaba, si la mid ah koobkii sannadka hore ee Copa America, kaliya finalka ayaa 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu dari karaa iyadoo wareega group-yada, wareega 8da iyo semi-finalka lagu kala baxayo rigoore haddii ay ciyaarta barbaro ku dhamaato 90ka daqiiqo.

Qabanqaabiyayaasha Copa America ayaa xaqiijiyay saacado ka hor inta uusan tartanka furmin xalayto inay warqad ansixin ah ay ka heleen FIFA oo u ogolaaneysa inay sharciga bedelka afaraad isticmaalaan kulanka finalka haddii 30 daqiiqo oo dheeri lagu darro ciyaarta.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News