Haqabtirenews.com
Tababare Carlo Ancelotti Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Hanaanka Ciyaareed Ee Loogu Guulaysan Karo Tartanka Qaramada Yurub Ee Euro2016.
June 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Tababaraha cusub ee kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa sharaxaad ka bixiyay hanaanka ciyaareed ee loogu guulaysan karo tartanka qaramada yurub ee Euro2016 oo dhawaan si rasmi ah uga furmi doona dalka France. Ancelotti ayaa sheegay in weerarka deg deg ah ama rogaal celiska ah loogu guulaysan karo Euro2016.

Xulka qaramada Yurub ugu awooda badan dhinaca kubbada cagta ayaa tartan xoogan ugu jira koobka Euro2016 iyada oo xulka koobkan ku soo guulaystay labadii tartan ee ugu danbeeyay ee Spain ay markale doonayaan in ay koobka difaacdaan. Xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany iyo dalka koobkan marti galinaya ee France ayaa ka mid ah xulalka qaramada koobkan soo saadaalinayo.Ancelotti

Carlo Ancelotti oo la hadlayay jariirada The Telegraph ayaa yidhi: “Marka aan dib u eego xili ciyaareedyadii horyaalada dalalka Yurub ugu waa wayn iyo tartanka France ee inagu soo aadan ee lixda todobaad ee soo socda, waxaan aaminsanahay in Euro2016 uu noqon doono tartan ku haboon hal hanaan ciyaareed”.

Ancelotti ayaa tusaale u soo qaatay qaabkii ay Liecester City ugu guulasytay Premier Leaque-ga, wuxuuna yidhi: “kaliya fiiri sidii ay xili ciyaareedkan Leicester city ugu guulaystay Premier Leaque-ga, waxayna ahayd weerar rogaal celis deg deg ah, waxaana sidoo kale la sheegi karaa Atletico Madrid oo soo gaadhay finalka Champions Leaque oo hanaankaas isticmaashay”.

Ancelotti ayaa sheegay in England ay haysato ciyaartoy badan oo weerarka deg deg ah ku fiican wuxuuna soo qaatay Jamie Vardy wuxuuna yidhi: ” England waxay haysataa gool dhaliyaal badan oo deg deg badan ee kooxaha weerarka deg deg ah ku ciyaara, inkasta oo koox kasta oo doonaysa in ay hanaanka ku ciyaartoy ay u baahan tahay in ay u deganaato difaaca. Jamie Vardy waa ciyaartoy xili ciyaareedka oo dhan difaacyada kala bixinayay, waxaana sidoo kale sidan u ciyaari kara Harry Kane”.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News