Haqabtirenews.com
ISKA HILMAAM: PSG & Man Utd -Ronaldo oo doonaya inuu u ciyaaro Real Madrid ee uu u dabaal dago dhalashadiisii 40aad.
June 4, 2016 - Written by Sports Staff
">

Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu sii joogo Real Madrid inta ka dhiman mustaqbalkiisa ciyaareed isagoo xitaa balan qaaday inuu dhalashadiisa 40aad u ciyaari doono Madrid.

Ronaldo ayaa u saxiixay Madrid markii uu lacag qaali ah kaga soo wareegay Manchester United 2009 waxaana uu dhaafay rikoorkii Raul dhanka gooldhalinta uu ka sameeyay taariikhda kooxda,

xiddigaan 31-sano jirka ah ayaa si joogta ah lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain sannadihii la soo dhaafay, laakiin waxa uu qorsheynayaa inuu ka tago Santiago Bernabeu.

“Waxaan u sheegayaa taageerayaasha in aaan ku ciyaari doono 40 jirka,” ayuu Ronaldo u sheegay AS.“Aad ayaan ugu faraxsanahay halkan waxaan ka hayaa shaqo adag oo aan ku qanacsanahay ayuu hadalkiisa ku daray”

Ronaldo ayaa dhaliyay rigooradii guusha markii Madrid kaga adkaadeen deriskooda Atletico Madrid isbuucii hore finalka Champions League.

Ronaldo wants to play for Real Madrid beyond his 40th birthday

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News