Haqabtirenews.com
BURCO Jamacadda Addis Oo Munaasibad Dhiirigalin Ah U Qabtay Ardayda Barata Culuumta Formatting Ka Ee Jamacadaasi+Sawiro
June 4, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Munaasibad Baladhan Oo Lagu Dhiiri Galinayay Ardayda Kuliyadaha Ict Iyo Msit Kuna Soo Bandhigay Aqooonta Ay Barteen Ayaa Habeenki Xalay Lagu Qabtay Barxada Baladhan Ee Jamacadda Adis.

Munaasibadani Oo Ahayd Mid Si Heersare Lasoo Agaasimay Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Maamulka Jamacada ,Aqoonyahano ,Arday Tiro Badan,Qaar Ka Mida Masuulyinta Shirkado Ganacsi Iyo Marti Shaaraf Kale.


Waxa Iyugan Si Isku Mida Usoo Bandhigay Aqoonta Ay Barteen Qaar Ka Mida Gudoomiyaha Fasalada Ict Iyo Msit E Ejamacada Addis Iyo Mufakar Farxaan Jeesto Isaguan Ka Sheegay Siyabaha Kale Duwan Ee Ay Usoo Bandhiyaan Cilmiga Ay Barteen Iyaga Oo Si Kal Iyo Labana Ugu Mahadiyay Maamulka Jamacada Iyo Macaliminta Ku Hawlan Barida Aqoonta Ay Ku Marayn Lahayeen Mustaqbalkooda Nolaleed.Waxana Ugu Horayntiiba Kalmado Dhiiri Galin Ah Kasoo Jeeday Munaasibadani Hurmoodka Culumta Ict Iyo Msit Oo La Isku Dhaho Formatting Ee Jamacada Burco Pro Fu,Aad Aadan Cabd Oo Ku Dheeraday Qiimaha U Leeyahay Kuliyadu Iyo Dadaal Had Iyo Jeer Ugu Jiraan Inay Ka Miro Dhaliyaan Cilmaga Ay Barteen ,Waxana Uu Kula Dardaarmay Ardaydu Inay Markasta Ku Dadaalaan In Si Loo Taaban Karo Ay U Qabtaan Ardaydu Markasta Oo Ay Bartaan.

Intay Munaasibadani Socotay Waxa Hadalo Iskugu Jira Dhiirgalin Iyo Dardaaran U Jeediyay Qaar Ka Mida Madaxda Iyo Shaqalaha Shirkado Ganacsi Aqoonyahan Cabdi Cali Oo Ah Madaxa Suuq-Gaynta Ee Shirkada Dahabshiil Ee Gobolka Togdheer,Madaxa Gobolka Togdheer Ee Xawalada Mustaqabal Iyo Nadiiha Oo Ka Mida Shaqalaha Baanka Darasalaam Ayaa Ku Amaanay Sida Fican Ee Ardaydu Usoo Bandhigeen Aqoonta Ay Barteen.

Ugu Danbayntii Waxa Soo Afmeeray Munasabada Gudooomiyaha Jamacada Addis Pro Cali Cashuur Oo Ku Dheeraday Daadaalka Ay Jamacadu Ugu Jirto Inay Aqoon Kaabta Mustaqbalkooda Ay Baraan Kuna Amaanay Ardayda Si Hufan Ay Usoo Bandhigeen Cilmiga Ay Barteen Kuna Dhiirigaliyay Inay Ka Jamacad Ahaan Ay La Barbar Tagan Yahiin Wax Kasta Oo Caqabad Ah Oo Lasoo Gudboonada Mudada Ay Wax Baranayaan Sidoo Kalana Gudoomiyaha Jamacada Addis Ugu Hanbalyay Inay Ka Jamacad Ahaan Shaqo Abuur Usamayn Donaan Marka Ay Dhamayaan Jamacaddda.


Gabagabadiina Ardayda Culumta Ict Iyo Msiy Oo La Isku Dhaho Formatting Ayaa Shahadooyin Abaalmarano Kale Duwan Siyay Gudoomiyaha Jamacada Addis Iyo Macaliminta Wax Bartay Qarkood.

COMMENTS
Latest News