Haqabtirenews.com
Yaa yidhi — 18 May & Gooni’isutaaga S.Land looma dhamayn?. WQ- Dr. Mustafa Kaydsane
June 3, 2016 - Written by Aragtida Bulshada
">

” Sanbabada gantaalaha ka mudi saadanbay garane. Waa nayla kala soocayaa subax an dheerayne. Ninki cadho la sooyaamayow sabirka maad dhowrtid” Abwaan Axmed Ismaaciil “Qaasim”.

○ Xaqiiyoonka Muran-madoon ah:

Wax been laga sheego waxaa ugu xun been laga sheego dhacdo-taariikheed oo ay ragii sameeyey wali noolyihiin. Iyadoo uu wali sii qoyanyahay qalinkii lagu saxeexay heshiiskii Burco 1991 & Boorame 1993.

Jiritaanka S.Land iyo maareymaha-siyaasadeed ma aha laba la isku khaldi karo. Hab dawladeedka iyo hogaankeenuba saluug iyo qoonsi way yeelan karaan.

Laakiin miyey tahay inay taasi daboosho dhamaan sooyaalkii iyo isku-tashigeenii. Ninka leh maanta Beelaha darafyadu wayka maqnaayeen Heshiiskii Burco 1991, kama duwana mid yidhi qoraxda ayaa sacab la saari karaa.

Lama diidi karo in Saluugii Beesha Harti keenay inay dhalato Puntland. Hayeeshee Beeshu marnaba si buuxda kalsoonida ugalama noqon Heshiiskii Burco 1991, Boorame 1993.

Lama diidi karo inay Beelaha Gado-biirsi/Samaroon iyo Ciise ay saluugsanyihiin Saami-qaybsiga Qolayaasha Qaranka. Hayeeshe maraba si buuxda kalsoonida ugalama noqon Heshiiskii Burco 1991, Boorame 1993.

Lama diidi karo in Beesha Dhexe/Isaaq uu gudaheeda ka abuurmay khilaaf siyaasadeed 1993, taasoo sababtay dagaalkii sokeeye ee 1994-96.

Hayeeshee waxaa laga gaadhay heshiis buuxa, waxaa dedaalkaa daminta colaada suurtogaliyey Waxgaradka & Salaadiinta Beelaha Isaaq, waxaana guushaasi udub-dhexaad u ahaa Madaxeyne Maxamed I. Cigaal & Madaxweyne Cabdirahman A. Cali “Tuur”( labadaba Alle ha u naxariisto).

Lama diidi karo in JSL ay leedahay Distoor iyo Dawald. Hayeeshee qabyo waynbaa kajirta, intii M. Cigaal gaadhsiiyey lama dhaafin. Lama diidi karo in JSL yeelatay 3 Xisbi Qaran iyo Doorasho Qaran.

Hayeeshee Xisbiyadaasi may wali may keenin isbadal siyaasadeed ka jawaaba baahida dalka iyo dadwaynaha. ○ Ahaanshaha iyo Jiritaanka waxaa u markhaati ah:

1- Dadka. 2- Dhulka. 3- Distoorka. 4- Golayaasha-dooran. 5- Xukuumad-fulineed. Shantaasi ayaa ka marag ah. In loo dhamaa 18 May iyo Go’aanka Gooni-isutaaga JSL waxaa nool oo aa intiina yar-yari(aan dhalan ama yaryaraa 1991) aad ka hubin kartaan odayaasha ka nool saxeexayaashii( heshiiskii 6-da Qodob ee Goo’isutaaga JSL). ○ Qodabadii Heshiiska Burco:

1. In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur.

2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka.

3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi.

4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi(JSL).

5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi(JSL).

6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah. Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga JSL ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida waddanka:

1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye

2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

3. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed

4. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir

5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi

6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye

7. Suldaan Ismaaciil Muuse

8. Suldaan Rashiid Suldaan Cali

9. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud

10. Axmed Sheekh Saalax

11. Sheekh Daahir Xaaji Xasan

12. Axmed Xirsi Cawl

13. Suldaan Maxamed Jaamac

14. Xasan Cumar Samatar

15. Maxamed Warsame Shiil

16. Garaad C/Qani Garaad Jaamac iyo

17. Suldaan Cali Muuse iyo

18. Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Baradho) oo ahaa Xoghayaha Shirkaasi

○ Qodobada Heshiiska Siyaasiga ahi waxa ay ka koonbaayeen:

1. In guddoomiyeha SNM noqdo madaxweynaha Somaliland, Guddoomiye-ku-xigeenka SNM-na noqdo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, xilkana ay hayaan muddo laba sanno oo kala guur ah

2. In muddadaa labada sanno ah lagu diyaariyo dastuur afti lagu ansixiyo.

3. In Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdo Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddadaa labada sanno ah.

4. Waxa kal-fadhigii 2aad oggolaaday Golihii Wasiirrada ee Madaxweynuhu soo hordhigay

○ Siyaasiyiintii heshiiskaa goobjooga ka ahaa waxa nool maanta waxaa kamid ah:

1- Mudane. Xasan Ciise Jaamac.

2. Mudane. Cali Khaliif Galaydh.

3- Mudane. Cabdirahman Aw Cali

4- Mudane. Maxamed Maxamud Siilaanyo.

 

 

COMMENTS
Latest News