Haqabtirenews.com
Maanso Cusub Oo La Magac Baxaday. Gobol Nabadi Taala. WQ-Abwaan Asad Muuse Libaax Ceeje
June 3, 2016 - Written by Aragtida Bulshada
">

Waa maanso loogu talo galay G/Sanaag waxuna Abwaanku  curiyay taarikhdu markay ahayeed 28/12/2009

 

Gobal nabadi talaa

Dadku wada gudboonyahay

Gacal iyo xigaal iyo

In isgarata uu yahay

Geel wada irmaan iyo

Gamaan iyo aduunyiyo

Gabdho la isa siiya

Gobal nabadi taala

Geedigi yimadaba

Gudin iyo hangool iyo

Garab qaad la siiya

Geela lala xareeya

Hadii uu gabnobna

Gaawo lo cadeeya

Gaajo laga ilaasha

Gabal nabadi taala

Galab eebe keenaba

Dhalinyarada gooshtiyo

Gabdho duub cad qaatiyo

Garays ku hagoogtiyo

Gadh  cadaga taliya

Guri wada tagano

Dadku wada gudboonyahay

Gobal nabadi talaa

Dhalinyaro is Geeyda

Iyako gaf kale waddin

Fiid guduud is garata

Gole wada timada

Guur lays ku sheegta

Gacmaha lays sa saara

Niyadana la galiya

Garab eebe siiya

Galbis koodu raaca

Goosh carura yeeshan

Gobol nabadi taala

Geesi kuma naf wayo

Gumaad iyo xasuuq iyo

Goblan iyo dili kama dhaco

Godob laysku diliyo

Aanadu gaf weeye

Guuldaro ma taalo

Oo geyi nabada weyan

Gobol nabadi taala

Ganacasigu xor yahayo

Haantidada gaarka ah

Lacgta iyo guunyada

Laalush laga guro

Ama geesh ku werara

Ama meel godoono

Colaad loga guuro

Geli wayay shicibkii

Gobal kani ma aho

Nimco gaxsaneed bad

Dakadaha ka gurata

 

 

waa bilahi Tawfiiq

 

 

COMMENTS
Latest News