Haqabtirenews.com
Buug La Magac Baxay Cunto Iyo Caafimaad Oo Ay Qortay Qora Da.Ayar Oo Lagu Soo Bandhigay Magalada Burco+Sawiro
June 3, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Munaasibad Baladhan Oo Lagu Soo Bandhigayay Buug Lagu Magacdaray Cuntada Iyo Caafimaadka Oo Ay Qortay Qora Da.Yar Najma Farxaan Maxamuud Ayaa Galabnimadii Shalay Lagu Soo Bandhigay Barxada Baladhan Ee Naadiga Halkaraan Ee Magalada Burco.

Munaasibadani Oo Ahayd Mid Hanaankeeda Qabanqaabo Si Baladhan Lasoo Agaasimay Isla Markaana Ay Soo Qabanqabiyeen Naadiga Akhriska Ee Halkaraan Oo Kulmisay Haldoorka Dhalinyarada Gobolka Togdheer Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Qoraayo ,Abwaan,Haween Iyo Marti Sharaf Kale.

Waxana Ugu Horayn Ka Hadlay Munaasibada Oo Ka Warbixiiyay Naadiga Halkaraan Iyo Hanankeeda Waxqabad Mustafe Shaybe Oo Ka Mid Ah Hogaanka Sare Ee Naadiga Halkaraan Waxana Si Qoto Dheer Ugu Waramay Marxaladihi Kale Duwana Ee U Soo Maray Naadiga Halkaraan Iyo Heerka Hormarineed Ee Hada Marayo Naadigu.

Qora Xasan Burco Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Naadiga Halkaraan Qoraa Jamaal Ayaa Si Kal Iyo Laaba Ku Soo Dhawaay Qoraaga Barxada Naadiga Halkaraan Kuna Hanbalyay Buuga Qiimaha Badan Ee Ay U Waday Bulshada Burco Inay Ka Fa.Idaysataan Iyaga Sidoo Kale Ka Waramay Qiimaha U Leeyahay Akhsriska Iyo Qoraalku.

Ugu Danbayntiina Waxa Soo Bandhigtay Buuga Cunto Iyo Caafimaad Qiimihiisa Aqoneed Ee Ku Duugan Buuga Qoraaga Da,Ada Yer Najma Farxaan Maxamuud Oo Ka Warantay Sababa Ku Kalifay Inay Qorto Bugaan Iyo Marxaladahi Adkaa Ee Ay Lasoo Martay Sidoo Kale Waxa Ay Carabka Ku Dhufatay Fa,Idada U Xanbarsan Yahay Buugu Kuna Hanbalyaysay Naadiga Halkaaran Iyo Bulshada Burco Sida Baladhan Ee Ay Ugu Soo Dhawayeen Gobolka Togdheer.

Isku Soo Wada Duubo Buugani La Magac baxay Cunto Iyo Caaffimaad Ee Lagu Soo Bandhigay Magalada Burco Ayaa Noqoyaa Markii Labaad Ee Qoraayadu Ku Soo Bandhigto Somaliland.

COMMENTS
Latest News