Haqabtirenews.com
War Deg Deg Ah Isku Dhaca Laba Gaadhi Oo Sababay Dhimaasho Iyo Dhaawac Oo Goor Dhaweyd Ka Dhacay Agagaarka Tuulada Gaatama.
June 1, 2016 - Written by admin
">

Burco(Haqabtirenews.com) Isku dhaca laba gaadhi oo Noocyaadoodu yihiin Xaajiyad iyo Waaraad oo Sababay dhimasho Iyo Dhaawac ayaa waxa uu Abaaro lixdii Fiidnimo ee Caawa Ka Dhacay Tuulada Gaatama oo dhinaca Bari ka xigta Magaalada Burco, Shilkani oo ahaa mid naxdin Badan ayaa waxa ku Nafwaayey ilaa hada tirada rasmiga ah ee la hayo afar qof oo ka Mid ahaa dadkii Saarnaa labadaasi gaadhi, Waxaana ku Dhaawacmay Sagaal qof oo dhaawac ah oo isgugu jira Rag iyo Dumar dhaawaca Dadkaasi ayaa la soo Gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burcooo xaaladooda caafimaad lagu dabiibaayo ilaa hadda.

Ciise Siciid maxamed oo ka mid ahaa dadkii La socday Gaadhiga xaajiyada ah oo dhaawaciisa lagu dabiibaayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco ayaa waxa uu warfidiyeenada uga waramay sidii wax u dhaceen waxaana uu yidhi

” waanu taagnayn anaku oo salaadii maqrib ayaanu tukanay markii aanu is nidhi dhaqaaqa oo gaadhi fuula oo dadkii qaarna dhulka taagan yihiin qaarna ay fuuleen markaa ayaa Gaadhigan oo ka soo baxay haadkiisii uu Nagu Dhacay, dadka dhintay anigu laftirkaygu uma fiirsan oo waan wareersanaa laakiin waa Jirtay dhimasho oo Dadka dhintay waxa ay ku hoosjireen gawaadhida” ayuu yidhi Ciise Siciid Maxamed.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Burco Dr Cabdi Suudi Ibraahim ayaa waxa uu isna Geestiisa faahfaahin ka Bixiyey Dhaawaca dadkani iyo sida ay xaaladoodu tahay ilaa hada ay Tahay waxaana uu yidhi

“waxa nala soo gaadhsiiyey caawa dad dhaawaca oo tiradoodu ay tahay Sagaal qof oo qof aanu waxba qabin waana lix nin iyo laba dumar ah, xaaladooduna way kala duwan tahay qaar jajaba iyo qaar dhaawacyo kale qababa, hadii aan ka waramo xaaladooda ma jiro qof dhaawac culus ah oo aanu u baqayno ilaa hada waana loo shaqeeyey dadkaas” ayuu yidhi agaasimaha cisbitaalka guud ee Magaalada Burco.

Geesta kale Gudoomiye Ku Xigeenka gobolka togdheer maxamed diiriye xayd iyo taliyaha qaybta policeka gobolka togdheer ayaa iyakuna waxa ay ka hadleen shilkaasi naxdinta leh iyakoona Dhamaal tacsi ah u diray dadkaasi ku geeriyooday shilkani waxaana ay sheegeen in ilaa hada ay socoto badbaadinta dadkaasi.

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxa dalka ku soo badanaayey shilalka gaadhi ee noocyadoodu kala duwan yihiin kuwaasi oo sababay dhimashada dad rayid ah oo aad u tiro badan waxaana inta badan loo aaneeyaa khibrad la,aan haysata wadayaasha gaadiidka iyo Wado xubo dalka ka jirta.

Khaalid Bakayle
Haqabtire News
www.Haqabtirenews.com
Burco-Office.

COMMENTS
Latest News