Haqabtirenews.com
Maraykanka Oo Xaqiijiayay Dilka Hoggaamiyihii Kooxda Daacis Magaalada Fallujah.
May 29, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Wasaarada Gaashandhiga dalka Mareykanka ayaa sheegtay in howlgalo ay sameeyen ay ku dileen Hogaamiyihii kooxda Daacish u qaabilsanaa magaalada Fallujah ee dalka Ciraaq.

Col. Steve Warren, the new spokesman for the U.S.-led coalition in Iraq, speaks to reporters during a news conference at the U.S. Embassy in the heavily fortified Green Zone in Baghdad, Iraq, October 1, 2015. REUTERS/Khalid Mohammed/Pool – RTS2MGJ

Wasaaradu waxa ay sheegtay in duqeynta ay ku dileen Maher al-Bilawi iyo Dagaalyahaano kale oo taabacsanaa Kooxda Daacish, waxa ayna sidoo kale ciidamadu xaqiijiyeen in duqeyntaasi ay ku hubsadeen goob uu joogay Maher al-Bilawi.

Col.Steve Warren oo u hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka, ayaa sheegay in xaqiiqo ay tahay dilka Maher al-Bilawi iyo ilaaladiisa, waxa uuna ku hanjabay in weeraradu ay intaa kasii badnaan doonaan, inta laga kala yareeyo quwada Daacish.

Col.Steve Warren, waxa uu sidoo kale sheegay in Dagaalka Fallujah uu weli socdo isla markaana shacab badan ay ku xaniban yihiin gudaha magaaladaas

COMMENTS
Latest News