Haqabtirenews.com
Shirwaynaha Afraad Ee Qaraneeda Somaliland Oo Hargeysa Ka Qabsoomaya
May 27, 2016 - Written by Wariye Hanad
">

Guddida qaban-qaabada Shirweynaha 4aad ee Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA oo mudeeyey xiliga la qabanayo Shirkaasi, kadib markii ay shir isugu yimaadeen, isla markaana waxay fariin u direen xubnaha ku bahoobay Ururka.
Guddida Qabanqaabada shirwaynaha ururka qareenada oo kulan ay ku yeesheen xarunta Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) waxay Go’aamiyeen Mudadda qabsoomida Shir-weynaha 4aad ee Ururka Qareenada Somaliland oo ay u muddeeyeen in ay qabsoonto Maalmaha Arbacadda iyo Khamiista ee ay Taariikhdu tahay 01 ilaa 2da June 2016ka.

Guddigu waxay si rasmiya u farayaan dhammaan Xubnaha ku bahoobay Ururkan in ay sidaas u ogaadaan, isla markaana muddada ka horaysa wakhtiga oo ka bilaabmaysa maanta oo ay Taariikhdu tahay 12 May 12, 2016 illaa qabsoomidda shirka ay xubnuhu so dhammaystiraan wixii looga baahan yahay, soona doontaan Kaadhka ka qayb-galka Shirka oo loo diyaarin doono.
Guddidu waxay dardargalinaysaa sidii ay dhamaan xubnuhu u heli lahaayeen jawi wanaagsan oo ay xubnuhu ururku iskugu yimaadaan kaga doodaan masiirka mustaqbal ee uruka isla markaana ay ku doortaan Hogaan cusub si xor ah iyagoo hab dimuqraadi ahna u dooran doona hadii alle yidhaa.

COMMENTS
Latest News