Haqabtirenews.com
Zinedine Zidane Ayaa Ku Biiri Doona Liis Qaas U Ah Rag Ay Ka Mid Yihiin Ancelotti, Cruyff & Guardiola Haddii Real Madrid Ay Ka Badiso Atletico Madrid Sabtida.
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Zinedine Zidane ayaa ku biiri doona liis rag gaar ah oo ku guuleystay Champions League waqti ay ciyaaryahan ahaayeen iyo waqti ay tababare ahaayeen haddii Real Madrid ay garaacdo Atletico Madrid sabtida.

Tan iyo markii la aas-aasay European Cup 1955tii waxaa jira kaliya lix shaqsi oo hantay koobka iyagoo ciyaartoy iyo tababare ah.

Ninkii ugu horeeyay ee sidaas sameeya waxa uu ahaa Miguel Munoz kaasoo ahaa kabtankii kooxda Real Madrid ee ku guuleysatay European Cup sannadihii 1956 iyo 1957 ka hor inta uusan Real Madrid ku hogaaminin hanashada koobka isagoo tababare u ah sannadihii 1960 iyo 1966.

Rikoorkiisa laguma celinin ilaa iyo 1985, markii Giovanni Trapattoni uu isna labo jeer ku guuleystay 1963 uu la qaaday AC Milan iyo 1969 oo uu ku hogaamiyay koobka kooxda Juventus oo uu tababare u ahaa.

3223742_heroa

Todobo sanno ka dib, kooxdii Johan Cruyff ee Barcelona ayaa aheyd kooxdii ugu danbeysay ee ku guuleysata European Cup ka hor inta aan koobka loo bixinin Champions League. Ninka reer Holland ayaa isagoo ciyaaryahan ah waxa uu seddex koob oo isku xigta la qaaday Ajax.

Carlo Ancelotti ayaa u ciyaaray AC Milan koobabkii ay ku guuleysteen 1989 iyo 1990, waana mid ka mid ah labo tababare oo uu ka mid yahay Bob Paisley oo hantay koobka Champions League seddex jeer iyagoo tababare ah 2003, 2007 iyo 2014.

Barcelona ayaa soo gabagabeysay 14 sannadood oo ay koobka sugeysay iyagoo ku guuleystay 2006 markii uu tababare u ahaa Frank Rijkaard, kaasoo ay AC Milan iskala soo ciyaareen AC Milan sidoo kalena Champions League la soo qaaday isagoo ciyaaryahan ah kooxda Ajax sannadii 1995.

Pep Guardiola ayaa ninkii ugu danbeeyay ee liiskaan ku soo biira waxa uu Barcelona la qaaday Champions League isagoo ciyaaryahan ah sannadii 1992, waxaana uu u qaaday koobka isagoo tababare ah sannadihii 2009 iyo 2011.

Zidane ayaa kula guuleystay Real Madrid koobka Champions League sannadii 2002, waxaana uu ku biiri doonaa liiskaas haddii ay Madrid San Siro kaga badiso Atletico.

Qorre: maxamed jeesto

COMMENTS
Latest News