Haqabtirenews.com
WARBIXIN: Markii Hore Mascherano, HADDANA Dani Alves, Juventus Oo Heshiis Saddex Sano Ah La Gaadhay Alves Iyada Si Deg Deg Ah Heshiiskan Loogu Dhawaaqi Doono.
May 26, 2016 - Written by Sports Staff
">

Kooxda Juventus ayaa horumar deg deg ah ka samaysay heshiis ay kula wareegayso difaaca midig ee kooxda Barcelona ee Daniel Alves kaas oo haddaba kooxda Turin ka dhisan la gaadhay heshiis saddex sano ah. Juventus ayaa hore loo sheegay in ay heshiis saddex sano ah la gaadhay Javier Mascherano oo isna ka tirsan isla kooxda Barcelona, laakiin heshiiska Alves ayaa lagu dhawaaqi doonaa todobaadka danbe, sida ay jariirada Sport iyo Cadena SER ay cadeeyeen.

Heshiiska ayaa dhamaystiran waxaana ka dhiman in ay Juventus iyo Barcelona ay si rasmi ah ugu dhawaan. Alves ayaa talaadadii jamaahiirta kooxdiisa u jeediyay hadal qiiro leh oo laga fahmay in uu ahaa hadal macasalaamayn ah markii ay Barcelona koobabka ay ku guulaystay ay ugu dabaal degaysay Camp Nou.

Wada xaajooda Juventus iyo Barcelona ee Dani Alves ayaa bilawday bil ka hor, waxaana la gaadhay heshiis buuxa iyaa oo ay meesha ka maqan tahay  in la saxiixo  heshiiskan. Alves ayaa heshiiskan Old Lady la gaadhay kadib markii uu  kooxdiisa kula guulasytay Copa Del Rey,wuxuuna Alves ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay ee waayiihiisii cajiibka ahaa ee Camp Nou halkaas oo 23 koob kaga soo guulaystay.

Alves ayaa arbacadii maanta u safray dalkiisa Brazil oo uu kala qayb gali doono Copa Aemerica isaga oo og in aanu dib ugu soo laaban doonin kooxdiisa Barcelona, kaliya waxa uu kooxda dib ugu soo laaban karaa in uu macasalaameeyo ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin ,maamulka iyo jamaahiirta kooxdiisa balse ilaa hadda lama oga in Barcelona ay xaflad sagootin ah ay u samayn doonta Alves si la mid ah Xavi Hernandez.

Barcelona ayay iibka Alves iyo Mascherano ay ka fududayn karaan mushaarka badan ee ay siiyaan ciyaartoyda kooxda kowaad isla markaana waxay fursad u haysan doonaan in ay sameeyaan saxiixyo cusub. Barcelona ayaa difaaca midig u haysata Aleix Vidal balse waxaa sidoo kale suurtogal ah in ay difaaca kale la soo saxiixdaan.

Alves

Alves ayaa Barcelona ku soo qaatay sideed xili ciyaareed wuxuuna si joogto ah xidig muhiim ah uga ahaa kooxda Barcelona, waxayna Juventus ku midoobi doonaan Javier Mascherano oo isna la sheegay in uu heshiis saddex sano ah la gaadhay Old Lady.

Qorre: maxamed jeesto

 

COMMENTS
Latest News